Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

5 Sababood oo kugu qasbaya inaad cabto Cabitaanka liin dhanaanta

5 Sababood oo kugu qasbaya inaad cabto Cabitaanka  liin dhanaanta
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Dad badan oo adduunka ku nool ayaa si joogta ah subixii  u caba cabitaanka liin dhanaanta , hadaba maxay tahay faaidada caafimaad ee laga helo cabitaan ka la cabo liin dhanaanta oo biyo lagu qasay?

1.waxay kor u qaadaa dheebshiidka : cabitaanka liin dhanaantu waxay xoojisaa shaqada dheebshiid mareenka ,cuntada si dhakhso ah ayay u dheebshiida si jidhku u nuugo .sidoo kale waxay nadiifisaa xubnaha jidhka iyadoo ka saarta dhamaan qashinka iyo sunta .

2.Habdhiska difaaca :liinta waxa ku jira fiitamin C taas oo kor u qaada shaqada habshiska difaaca jidhka kana hortagta cudurada iyo infekshanka.

3.waxay nadiifisaa maqaarka : Liinta waxay ku jira nafaqooyin badan iyo maadooyinka la dagaalama sun ta ah ,tani waxay maqaarka ka caawinaysaa inuu yareeyo laalaabka iyo inuu ka masaxo meelaha madmadow , maqaarkuna wuxu noqonaya mid siman oo ifaya

4. waxay kor uqaada awooda tamarta :haddi aad cabto  liin dhanaanta subaxa hore waxaad dareemi doonta in awoodaada tamareed aad u sarreyso , sidoo kale waxay kaala dagaalamaysa werwerka  badan ,liinta waxa ku jira fiitamiinada B,C iyo macdanaha fosfooras iyo barootiin.

5. jidhka waxay ka dhigtaa mid qoyan: liin dhanaanta jidhka waxay ka ilaalisaa inuu noqdo mid qallalan .
waxaanu rajaynayaa inaad ka faaidey qoraalkan

xuquuqda :Aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .