Search
Monday 12 November 2018
  • :
  • :

5 tallaabo oo aad ku xoojin kartid kalsoonida naftaada

5 tallaabo oo aad ku xoojin kartid kalsoonida naftaada
Follow
( 4 Followers )
X

Follow

E-mail : *

dad ka oo dhan waxay ku dedaalaan inay kasbadaan kalsoonida naftooda si ugu guuleystaan xaqiijinta himiladdooda iyo riyooyinkooda , kalsoonida naftu waa aasaaska iyo bilowga wadada saxda ah .

hadaba sidee ayaad ku siyaadin kartaa kalssoonida naftaada ??

maqaalkan ayaanu idinkusoo gudbin doonaa talooyin muhiima iyo talaabooyin kuu soo gelinya kasbada kalsoonida naftaada.

kasooni

1.sameyso saaxiibo wanaagsan

arrimaha ugu waaweyn ee qofka ka caawiya inuu kordhiyo kalsoonida naftiisa waxa ka mida isagoo sameysta saaxiibo wanaagsan, saaxibada wanaagsani waxay  ka caawiyaan inaad  ku guuleysto  xaqiijinta himilaada waqtiga adagna way ku garab taagan yihiin .

hadaba waxa kugu waajiba inaad ka fogaato saaxibada  xun xun , saaxibada xun xun waa kuwa aan kaa caawin inaad howlahaaga ku guuleysato ,waqtigaagan  ka khasaareeya ,waqti adagna aan ku garab taagnayn.

markasta oo aad la saaxiibto saaxibo wanaagsan waa markasta  oo aad awoodid inaad xaqiijiso himiladaada ,kalsoonida naftooduna korodho.

 

2. naftaada dhiirigeli

odhaahaha aad naftaada ku tidhaahdid  waxay saameeyaan kalsoonida naftaada tusaale ahaan haddaad ku fashilanto inaad ku guuldareysato howl  ama aad imtixaan hooseyso  ama mansab aad gaadhi waydo ,waxa hubaala inaad naftaada kula hadasho ereyo niyad jab ah  “waan guuldereystey ” , “mar dambe iskuma dayi doono “, “derejadaa ma gaadhi karo ” iyo qaar kale .

hadaladani waxay saameyn togan ku qofka iyo kartidiisa hadaba waxa kugu waajiba inaad naftaada mar walba dhiirigeliso ,kelmado wanaagsana aad kula hadasho  “haa waan awoodaa ” ,”waan gaadhi karaa derejedaa “, hadaan mar guul dereysto mar dambe ma guuldereysan doono” kelmadahani waxay kordhinayaan awooda nafsiyadeed ee kugu kaydsan  iyo kalsoonida naftaada .

3. Ilaali muuqaalkaaga 

muuqaalkaaga wuxu si wayn u saameeya kalsoonida naftaada .waxa kula gudboon inaad mar walba ku lebisato dhar xarago badan ,ilaalisana nadaafada jidhka iyo  dharka ,markasta oo aad hagaajiso muuqaalka waa mar kasta oo ay korodho kalsoonida naftaada dadka marka aad ku dhexjirtana waxaad dareemeysa kalsooni taas oo sababaysa inaad hagaajiso ficiladaada iyo hadalaada.

 

4. Akhri buugaagta

haddaad jeceshahay inaad kordhiso kalsoonida naftaada isku day inaad akhrido buugaag badan gaar ahaan kuwa ka sheekeeya toosnanta qofka ,wacdiga diiniga,iyo horumarinta qofka . shaki kuma jiro in akhrinta buugaagta ay saameyn taban ku leedahay kalsoonida qofka , fadlan iska ilaalli inaad akhrido buugaagta ay ku qoranyihiin sheekooyinka khiyaaliga ah kuwaas oo kugu reebi kara xasuuso xun xun

5. raadi isbedel joogta ah

addunkan ma jiro qof dhamaystiran oo aan lahayn dhaliil ama ceeb dhamasytirku ilaahay keliya ayay u sugnaatay ,

haddi lagu dhaliilo ama laguu sheego ceeb aad leedahay tusaale ahaa ku degdega go’aamada waxa kugu waajiba inaad bedesho hab dhaqankaa kana takhlustid .

tanna waxay ka qayb qaadata hormarka qofka ,markasta oo aad isku aragto dhaliil isku day inaad si dhakhso ah u baabiisid

 

xuquuqda :aqoonkaab.com

emailka :info@aqoonkaab.com

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


7 thoughts on “5 tallaabo oo aad ku xoojin kartid kalsoonida naftaada

  1. cabqari

    Adc dhmaaan bulshada ku taxan webkaan run ahaaantii waa mid bulshada lafdhabr u ah waxa uu bulshada uwadana wa wax loobaaanyahay

  2. abdihakiim mohamed

    Asc waad salaaman tihiin dhamaan akhyaarta ku xidhan websiteka
    kalsoonidu waa shay qaaliya

  3. mohamed

    waxaN knolahy grwe waxa ihaysta dhib oo aH cuqdad nafsi
    wxaN ismoda ina walanhy mana walni DADKO DHAN Inay ixamanyaN moda ay wax iga shegyaN

  4. Anonymous

    mahadsanid waa talooyin muhiima lkn marwalba wan isku dayaa hadana waxuuba igu leh magadhaysid inshallah hadeer wanwan ku dhaqmidonaa Ramada kareem iguana rali ahada wan ku cusubahay website ka

Leave a Reply

Your email address will not be published.