Follow
X
Follow
facebook hadda wuxu doonaya in xitaa dadka neceb facebooga ay isticmaalaan adeega massengerka ,sidaasi daraadeed facebook wuxu daahfurey hab cusub oo massenger la isaga diiwaangelinayo adiga oo aan wax account ah ku lahayn facebook ,keliya geli labadaada magac ee u horreeya iyo lambarka mobilekaaga
dookha cusub ee laga kordhiyey massenger ka oo ah “sign up with massenger ” ayaa dadka u ogaalanaya in contactska ugu kaydsan lambaradooda uu soo helo haddi ay iyaguna isticmalyaan adeegan massengerka .
sidoo kale dadka isticmaali doona adeegan ku cusub waxay awoodi doonaan inay magacyadooda ku raadiyaan dadka isticmaala facebooga laakiin waa haddi mobile lambarkooda hore ugu jirey facebooga .
adeegan waxa maanta laga bilaabay US ,canada,peru iyo venezuela wadamada kalena dhawaan ayuu gaadhi doonaa.
dhawaan ayay ahayd markii massengerku gaadhay halkiisi u sarreysey ka dib markii la dejistey (la download gareystey) hal bilyan oo jeer .