Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Adeegyada Ms office oo hadda mobilada lagu isticmaali karo

Adeegyada Ms office oo hadda mobilada lagu isticmaali karo
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

mobWaxay shirkadda Microsoft ay ku dhawaaqday in adeegyada

Office lagu soo bandhigay si rasmiya mobaylada ku shaqeeya android-ka iyadoo ay tahay kii ugu dambeeyay oo laga baxay marxaladda tijaabada.

Waxay Microsoft ay xooga saartay dhinaca nashqadaynta adeegan sida la jaan qaadi lahaa shaashadda yar ay leeyihiin mobayladu.

Saddex adeeg ee dadka loo soo bandhigay waxay kala yihiin Power Point, Excel iyo Word kaasi aad awood ku leedahay inaad wax ku qoratid ama slides ka diyaarisid iyo wixi kale lagu qaban jiray adeegyadan oo kale, laakin haddi aad doonaysid inaad isticmaashid dhamaan sifooyinka u leeyahay adeegyada waxaa lagaa doonaya inaad ku biirtid (Subscribe) qaybta 365 u leeyahay Office.

Waxa xusid mudan in adeegyada Office sannadkan bilowgiisa waxa laga isticmaalayay Tablet-ka laakin mobaylada waxa lasoo bandhigay bisha May wuxuna ku jiray qaybta tijaabada laakin imika si rasmiya ayaa loo isticmaali kara Office.

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.