Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Adiga iyo Maskaxdaadu Ma istaqaanaan?

Adiga iyo Maskaxdaadu Ma istaqaanaan?
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Maskaxdu waa xubin ka mid ah oogada sare ee  aadanaha, waa xubin laga maamulo bini’aadamka fikirkiisa, dareenkiisa, dhaqdhaqaaqiisa, dabeecadiisa iyo guud ahaanba nolosha qofka nool oo dhan waana xubinta ugu adag in la fahmo ama la garto, si kasta iyo baadhis kasta oo lagu sameeyey, waxaana markhaati kacaya qoraalada faraha badan ee ay saynisyahanadu ka qoreen, oo ay si cad ugu qireen in maskaxdu tahay xubinta ugu adag (complicated) in la fahmo jidhka aadamaha oo dhan. Mar haddii saynisyahanada iyo aqoonyahanada dunnida oo dhammi isku raacsanyihin in ay maskaxdu tahay xubinta ugu adag in la fahmo,waxaa imanaysa in la iswayddiiyo sidee loo kobcin karaa mugga maskaxda.

Ma ogtahay in dhaqaalaha, tirada dadka iyo waliba qaadka maskaxda saddexdii qarniyee ugu danbaysay la ogaadey inay kobcayeen heer kii ugu sareeyey sababtuna tahay dadku markay dhigashada Iyo akhrinta macluumaad hore loo diyaariyey ay barteen ee ay daraaseeyeen. Taasi waxay keentay in xanuuno badan oo dadku aanay daaweyn aqoon in la’ daaweeyo, ciladdo la garan la’ aa waxa keena dib loo helay sababaha kalifay iyo ikhtiraacidda wax badan oo hore dunidda u’ jirinni keentay in neuroneska maskaxdu isku xidhmaan oo active ahaadaan taasina noqotay sabata loo ogaadey in sannad walba qaadka maskaxda bini’aadanku wax ku kordho.  waayo sidaad maskaxda u layliso ee u weyddiiso su’ aalo khiyaaliya ama kabaxsan xuduudka waxay dadku aaminsanyihiin waxay keenaysaa in neuronada maskaxdu is cariyaan oo nerviska maskaxdu noqdaan kuwo firfircoon dabadeedna ay isla shaqeeyaan, taasina waxay kordhinaysaa qaadka maskaxda. Taa macnaheedu waxaa weeye maskaxdu waa sida muruqyadoo kale oo sida muruqyada loo jimciyo , ee loo dhiso ayay u waaweynaadaan oo u kobcaan. Sidaasilamid ahna inta wax la akhriyo, dhageysto ama layska weydiiyo waxaad dhageysateed akhriday ayay maskaxduna ku kobocdaa oo shaqadeedu u’ korodhaa. Waxa la ogyaheyna dadku waxay leeyihiinn tiro isleeg muruqyada jidh ka oo 650 muruq baa lagu qiyaasa in qofka bi’la aadankaa leeyahey, haddana maanay yara yaab ahayn in qaar la’moodo inay lafo iyo feedho kaliya yihiin, qaarna aad ka arkayso jidhkooda oo wada muruqyo isku dhisan ah.. Dhiiri galina hayga ahaatee,ma is leedahay dadka qaar oo malaa aynu kujirno sidaa kuwaa muruqyadu ku lidhbeen bay I’nana maskaxdii I’noogu libidhay, halka qaarkale oo dunida jiraa maskaxdooda u xoog weynaysiiyeen sida dadkaa muruqyada waaweyn oo kale. Almuhiim in qaadka maskaxdeena aynu kobcinaa oo kordhinaa waa muhiim. Lkn maxaynu samaynaa si’ aan u’kobcinno?

1.Kori maskaxdaada adoo ku kaabaya akhrinta quranka karimka ah, qurankood joogtayso akhrintiisu waxay kor u qaada mugga ama qaadka maskaxdaada.

2.Isku day in aad maalin walba ama waqtigaaga firaaqadaada aad isweydiiso su’aaalo ad adag oo maskaxda daalinaya.

  1. Raacde oo dabagal buugagta tayada togan ama toolmon laga daalacan karo,sido kale qoraalka ood fidisaa waxay shaca ka qaada waxyabo badano sheel kaa saarna amase caad kaga gudbana iyo garadkago tartiib u kordha.

  2. Dadka waayelka, wax garadka ama dhul marka ah ood la sheekaysata waxay kor u qaada heerka waayo aragnimo eed laedahay, isku day inaad barato dhacdoyin doora iyo qisooyin taarikhiya akhrintooda iyo dhagaysigoduba waxay maskaxda ka caawiyan inay noqoto mid baahsan oo an aragtideadu koobnayn..

  3. Hogaami naftaada oo isku day in aad naftaada ku tiirsanaato, yacnii kama waddo xaga dhaqaalaha, yacnii adigu is wad oo go’aan ka gaadh waxaad qabanayso, xilligaad kacayso, xilligaad seexannayso iyo qorshahaaga maalinleed.

W/Q: Manaal abdi elmi