Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay

Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Waxaan shaki ku jirin ahmiyada ay leedahay akhlaaqda wanaaagsani iyo heerka ay ka taagantahay diinteeena islaamka. Hadaba in taynaaan ka hadlin wanaaaga ay leedahay iyo qiimaheeeda, waa maxay akhlaaaq wanaagu ?

waxay ku fasireeen culimada qaaarkoood in akhlaaqda wanaagsani tahay: Samafalka oo lala yimaado, dhibta oo laga joogsado, loona  dulqaato.

Akhlaaqda wanaagsani waxay leedahay wanaagyo badan oo qofku ku helaayo if iyo aakhiroba. Akhlaaqda wanaag san qiime heedu aad ayuu u sareeyaa xaga diinteena suuban, Hadaba sikooban ayaynu u sheegaynaa fadaaisha akhlaaqda wanagsan :

ugu horayntii akhlaaq wanaagu waa fulin iyo ku dhaqanka islaamka, waayo ilaahay ayaa ina faray akhlaaqda suuban, sida ilaahay yidhi :
(خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن الجاھلين)( الأعراف، )

akhlaaq wanaagu waa adeecitaan la adeecayo rasuulka , rasuulkeena -amaanta allaah iyo nabad gelyadiisu hakor ahaatee- ayaa ina farar akhlaaqda wanaag san, sida ku sugan inu yidhi :
(وخالق الناس بخلق حسن ) أخرجه أحمد والترمذي)

akhlaaq wanaagu waxa u keenaa in qofka kor alle u qaado darajadiisa, sida rasuulku
( إن العبد ليبلغ بحسن خلقه درجة الصائم القائم) أخرجه أبو داود :

aklaaqda wanagsan waxaa lagu galaa janada, waxaa rasuulkeenu yidhi :
(وأعظم ما يدخل الناس الجنة تقوى الله، وحسن الخلق) أخرجه الترمذي وغيره

akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta yawmal qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay:
(إن من أقربكم مني مجلسا يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا )

akhlaaqda wanaag sani waxay cuslaysaa miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida rasuulku sheegay,
( ما من شيئ أثقل في الميزان يوم القيامة من حسن الخلق) أخرجه أحمد

akhlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa cumriga, waxayna camirtaa daaraha, sida ku
( حسن الخلق وحسن الجوار يعمران الديار، ويزيدان في الأعمار) رواه أحمد : xadiiskan

khlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.

 akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay asturtaa.

 akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.

Fadaaisha akhlaaq wanaag wax la koobi karo ma ah, Akhlaaqda wanaag san fadaaishiisu way badantahay, wax lakoobi karona maha,

Aqoonkaab



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .