Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Baro taarikhda mid kamida dadka aduunka ugu caansan Yusuf islam, hore loogu yaqaanay Cat Stevens,

Baro taarikhda mid kamida dadka aduunka ugu caansan Yusuf islam, hore loogu yaqaanay Cat Stevens,
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Yusuf islam, hore loogu yaqaanay Cat Stevens, waa musician,heesa, heesa qore iyo caawiya baniaadam. wuxuu iibiyey inkabadan 60 million  majalado oo lagu kaydiyey heesihiisa shaqadasoo uu ku bixiyey 50sanno wuxuu qaatey diinta islamka markuu maraayey meeshii ugu saraysay caanimo ama sumcad sanadii 1977.sanadkii danbe wuxuu bilaabay 30sanno uu ku tirtiraayo music isagoo naftiisa u huray inuu caawiyo bulshada muslimka ah ee ingiriiska.

Yusuf islam wuxuu dhashey 1948 wuxu qaatey magaca Steven Georgiou. Aabihii wuxuu ahaa muwaadin greek ah halka hooyadiina ka ahyd muwaadinad Swedish ah. wuxuu ku noola kuna koray magaalada london steven wuxu bilaabay inuu ciyaaro piano qalabka musica markuu ahaa 12, tasoo ku hogaamisay inuu noqdo heesqore iyo inuu ciyaaro musica nooca guitar. wuxuu bilaabay inuu heeso ka qaado caweyska london oo ahayd meel khamriga lagu cabo. hadaba markay dadiisu ahay 18, wuxuu soo saaray Albumkiisi lamagac baxay ‘Matthew and Son’  kasoo guul weyn uu ka soo hooyey. wuxu noqday mid ku caan baxa muusiga kiisa kulul ee gadiya dareemayaasha dadka ilaa uu ku dhacay xanuunka tuberculosis TB  1968. wuxuu ku qaatay bilo doora dhakhtarka halkasoo  uu ka qaadan jiray daawo iyo akhrinta diinta. wuxuu qoray heeso badan kuwaaso ka dhigay mid aduunka caan ka noqda sanadkii 1970.

Sanadkii 1976 stevens wuxuu ku qarqay dhacdo tasoo calaamad suaal saartay noloshiisa. walaalkii wuxuu siiyey kitaabka quraanka ah wuxuuna isu badalay muslim.

yusuf islam wixii intaa ka danbeeyey wuxuu iskaga tagay shaqadisii ahayd xidiga ama fanaanimada ee inta badan uu ku soo guda jiray .

1981, wuxuu aasaasay iskuulkisii ugu horeeye dugsiyada islamiga ah uu ka dhisay ingiriiska. wuxuu sameeyey ururo sadaqo kuwasoo uu ku mutaystay abaalmarino xaga nabad ah.

Waxaa diyaariyey Bilaal Axmed Cige Tixraac

 

Bahda aqoonkaab