Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Burada minka

Burada minka
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Burada minka waa burada ugu badan ee ku dhaca hab dhisksa dhalmada ee dumarka. Burada minka oo sidoo kale loo yaqaan Myomas, Leiomyomas, ama Fibromas, waa buro ka samaysan unugyo isu tagay oo ku samaysma minka dumarka. Waxaa la qiyaasaa in 20 ilaa 50 boqolkiiba  dumarka da’adoodu wayn tahay ay leeyihiin burqaha minka ku dhaca. Inkabadan 99 boqolkiiba oo kamid ah burqaha minku maahan kuwa kansar isku bedela, waa burooyin caadi.

Sababaha burada minka

Inkastoo aan la aqoon waxa sababa burqaha minka, waxaa la aamin san yahay in burqahaas kasoo unkamaan murqaha kuyaala minka dhexdiisa, kuwaas oo kadibna si deg deg ah u tarma. Taranka unugyadaas waxaa qayb libaax leh ka qaata dheecaanka loo yaqaan Estrojin.

Yaa khatar ugu jira

Dumarka kusii dhawaanaya dhalma goyska ayaa kujira khatarta ugu badan inuu ku dhaco. Sababtoo ah waxay mudo badan soo daynayeen dheecaan loo yaqaan Estrojin oo sidaa horay u sheegnayba saamayn ku leh samaysinka burqaha minka. Dumarka cayilan ee madawga ah ayaa sidoo kale loo arkay inay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco burqaha minka, inkastoo aan la garanayn sababta ka danybaysa mida danbe.

Sidoo kale cilmi baaris kale ayaa sheegaysa in dumarka ugu yaraan dhalay labo ilmood iyo kabadan aysan khatar wayn ugu jirin inuu ku dhaco, marka la bar bar dhigo dumarka aan waxba dhalin oo ayagu khatar taas ka badan ugu jira burada. Khubarada saynisyahanada caafimaadku ma hubaan in dhalmada caruurtu ay ka bad baadisay burqaha minka dumarka wax dhala iyo in samaysinka burquhu ay tahay wax si gaara uga dhaca dumarka madhalayska ah.

Astaama

Dumarka qaarkood ayagoo qaba burqaha minka ayaysan dareemin wax calaamado ah oo kusoo kordhay, ama waxay isku arki karaan calaamado yar yar oo aan qofka wax wayn dareensiin karin, halka dumarka qaarkood ay isku arkaan calaamado khatar ah oo dhibaya qofka.

Waa kuwaan qaar kamid ah calaamadaha ay dareemaan dumarka qaba burqaha minka, inkastoo qof walba uu isku arki karo calaamado ka duwan kuwa dadka kale.

  • Caadada oo badata ama cuslaata
  • Dhiig bax badan oo yimaada xilliga caadada
  • Xanuun laga dareemo gumaarka iyo bowdyaha
  • Kaadi badan
  • Dhabarka oo xanuuna
  • Xanuun yimaada xiliyada galmada

Hadii burqaha minku noqdaan kuwa waawayn oo la dareemi karo marka la samaynayo wiisatada, caadada oo dheeraata ama badata, iyo dhiig bax yimaada xilliga caadada waxay keeni karaan dhiig la aan, taasoo u baahan dawayn.

Daweynta

Inkastoo inta badan burqaha ama burooyinka minku ay iskood iskaga tagaan marka dumarku u dhawaadaan xilliga dhalmadayska, waxaa loo baahan yahay in dumarku ay la tashadaan dhakahtarkooda si loo hubiyo in burooyinka minku aysan korayn.

Dumarka qaar burooyinkoodu waynyihiin ama isku arka calaamado muuqda, waa daruuri in la daweeyo. dawada nooceeda iyo qaabka loo marayo waxaan laga raba inuu go aan ka gaaro dhakhtarkaaga khaaska ah.

Daweenta guud      

Hysterectomy: waa qalliin lagu sameeyo dumarka qaba burooyinka minka, waxaana la jarayaa minka haweenayda.

Conservative surgical therapy: waa qaab ka duwan kii hore, dhakhaatiirta qalliinka ee daweenaya bukaanku waxay isku dayayaan inay saaraan burooyinka ayagoo aan minka ka saarin haweenayda si ay markale wax u dhasho.

Gonadotropin-releasing hormone agonists: Waa hab dawo oo kaliya lagu dabiibayo bukaanka. Dawadaan waxay yaraynaysaa dheecaanka loo yaqaan Estrojiin taasoo keeneysa in haweenaydu si dhakhsaa u dhalma dayso. Sidoo kale dhakhaatiirtu waxay isticmaalaan dawadaan markay doonayaa inay qalliin ku daweeyaan burooyinka minka, isla markaas dawadu waxay yaraynaysaa miisaanka burooyinka si qalliinku u fududaado.

Dhamaan noocyadaan iyo kuwo kale ayaa lagu daweeyaan burooyinka minka.