Follow
X
Follow
maqaalkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa talooyin muhiima oo ku saabsan hababka looga hortago mushkiladaha caafimaad ee bisha ramadan ,waxa kale oo aanu idiin soo gudbinaynaa hababka ugu haboon ee soonka ka dhigi karta mid faaido badan u leh caafimaadkeena .
bisha ramadan waxa haboon inaad cuntooyinka aad cunaysaa wax badan aanay ka duwanaan kuwii aad hore u cuni jirtey ,waxana haboon in cuntadaadu noqoto mid dheelitiran si aanu jidhkaagu u waayin nafaqadiisa .
marka la eego saacadaha dhaadheer ee laga soomayo wadamo badan sanadkan waxa haboon inuu qofku ku suxuurto cuntooyinka kakan (culus) maxaa yeelay cuntooyinka kakan waxay caloosha ku jirtaa muddo 8 saacadood ah, cuntooyinka kakan (culus) waxa ka mida sarreenka ,digirta ,bariiska,daqiiq(bur).
sidoo kale waxa haboon in cuntooyinka afurka iyo suxuurta ay ka koobnadaan qaybaha kala duwan ee khudradaha ,hilibka.
cuntooyinkan yareyso xiliga afurka
ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay duxda iyo sonkorta.
ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan tahay saliida sida saambuuska.
ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay milixdu .
cuntooyinkani waxaad ku dareemi doontaa daal marka aad soomantahay sidaa daraadeed haddaad cunto cuntooyinkan waa inaad sidoo kale cuntaa khudrado iyo fawaakih .
waxa kale oo haboon inaad cabto biyo iyo sharaab inta u dhaxaysa suxuurta iyo afurada
xuquuqda :aqoonkaab.com