Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Calool Xanuun

Calool Xanuun
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Xanuunka laga dareemo inta u dhaxaysa xabadka iyo miskaha ayaa siguud loogu magacaaba calool xanuun, xanuunkaan ayaa lagu micnayn karaa ama loo cabiri karaa siyaabo kala duwan sida, inuu yahay xanuun aan marnaba tagayn oo joogta ah, xanuun goos goos ah oo la dareemo maalintiiba dhawr jeer, xanuun aad moodo sidii waran ku taagan goobta xanuunaysa, majiir, waxaana laga dareemi karaa qaybo badan oo ka mid ah uurkujirta maadaama uu balaaran yahay xadiga ama xubnaha uu saamaynta ku yeelan karo. Xubnaha waaweyn ee loo yaqaano uurkujirta uu xanuunkaan kasoo bilaabman karo waxaa ka mid ah, mindhicarada, kilyaha, beeryarada, ganaca, beerka, caloosha iyo qabsinka.

Maxaa sababa calool xanuun?                        

Caabuqa iyo cudurada ku dhaca xubnaha ku jira uurkujirta ayaa sababi kara xanuunkaan. Xanuunada sababi kara waxaa kamid ah kuwo uu keeno feyrusku, bagteeriyada, iyo waliba dulinka. Sababta ugu weyn oo loo aaneeyo calool xanuunka ayaa ah infekshinka ku dhaca uurkujirta, waxaa sidoo kale kamid ah, caabuqa, eernadamindhiciro xiranka iyo xanuunada ku dhaca mindhicirada

Infekshinada ku dhaca dhuunta, dhiiga iyo mindhicirada ayaa sababi kara in bagteeriya ay gasho habka dheefshiidka, bagteeriyadaan ayaa keenaysa in uu isbadal ku yimaado habka shaqada ee dheefshiidka waxaana soo Ifbaxa astaamo ay kamid yihiin calool xanuun, calool istaag iyo fuuq bax. Sababaha kale ee xanuunka ayaa noqon kara gastroenteritis, laabjeex.

Calool xanuunka heerkiisu sareeyo ayaa waxaa sababi kara dhagxaanta kilyaha, infekshinka kilyaha, dillaaca ama qaraxa xubin kamid ah uurkujirta sida qabsinka taasoo keeni karta khatar caafimaad, xanuunka yimaada markii ay qaraxdo qabsinka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kuwo ugu culus ee laga dareemo uurkujirta.

Calool xanuunka ayaa noqon kara mid ku salaysan ama ku dhagan hal goob, iyadoo aysan jirin meel kale oo kamid ah caloosha ama ubucda oo aan xanuunayn qofka, waxaana sababi karo cillado ama xanuuno uu kamid yahay gaas calooleedka. Wuxuu kaloo noqon karaa majiir ama qabatimo hadba dhan u wareegaya oo qofku uusan xamilayn istaaga waxaana la socon karan fuuqbaxcalool istaag, dhuuso ama dibiryo. Dumarka ayaa waxaa u dheeraan kara xiliga caadada majiirka minka oo keeni kara xanuun lagu masleeyo majiir.

Majiirka la xiriira ilma galeenka xiliga dumarku ay helaan caadada, ayaa lagu tiriyaa calool xanuunka ugu badan ee ay dareemaan haweenku waxaana si gaar ah loogu asteeyaa xanuunka qaybta hoose ee uurkujirta. Sidoo kale waxaa lagu tirin karaa misko xanuunka.

Xanuun laga wada dareemo ubucda ama caloosha ayaa noqon kara mid la xiriira caabuq ku dhaca qaar kamid ah xubnaha uurkujirta, sida caabuqa ku dhaca appendix-ta, xanuunka Crohn’s , dhaawac soo gaara uurkujirta, xanuunada ku dhaca mindhicirada, infekshinka ku dhaca kaadi mareenka, iyo gaastiriig.

Xanuunka ku salaysan hal goob ayaa waxaa sababi karo marxalado kala duwan oo uu ka midyahay uurka ilma qoolan ( uurka lagu qaado meel ka baxsan minka), xirinka mindhicarada, caabuqa appendix-ta.

Sidee looga horagi karaa calool xanuunka?

Waxaa jira tilaabooyin aan u baahnayn daawo taasoo loga hortagi karo calool xanuunka, waxaana kamid ah, in la cuno cunno nadiif ah oo isu dheelintiran xadigeeduna uusan badnayn, in lajoogteeyo cabida biyaha waxaana haboon in biyaha lacabo 30 daqiiqo kahor ama kadib xiliga cunnada, sidoo kalena la joogteeyo xiliyada aan cunnada la cunayn, jimicsigu waa hab kaalinta koowaad uga jira ka hortaga cilado ama xanuuno badan oo uu kamid yahay calool xanuunku, cunada la cuno xiliga la seexanayo ayaa ah midaan u wanaagsanayn guud ahaan caafimaadka jirka waana mid keeni karta xanuuno ay kamid yihiin Laabjeexa waxaana muhiim ah in ugu yaraan 3 saac kahor xiliga hurda la joojiyo cunida.

Hadii aad isku aragto calool xanuun aan tagayn kana sii daraya xiliba xiliga ka danbeeya kaasoo ay la socdaan astaamo ay kamid yihiin saxarada oo dhiig la socdo, culayska jirka oo yaraada, qandho  heerkeedu sareeyo, matag uu dhiig la socdo, lalabo ama laqanyo, midabka maqaarka iyo indhaha oo isbadalay, barar ama dibiro laga dareemayo caloosha iyo neef qaadasha ama saarida oo hoos udhacday, ula xariir sida ugu dhaqsaha badan goobta caafimaad ee kuugu dhow lana socodsii dhaqtarka dhamaan astaamaha iyo xiliyada aad dareentayba.

Sidoo kale hooyooyinka uurka leh ama naasnuujinaya waxaa lagama maarmaan ah inay la xiriiraan dhaqtar hadii ay isku arkaan calool xanuun uu la socdo culayska jirka oo yaraada.