Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Dhalatayee Maxaad La Dhiman ??

Dhalatayee Maxaad La Dhiman ??
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Dhacdooyinka noloshiyo iyo dhalanteedka dunida weli ma dheehatay ,dhararaha warkooda iyo dhambaldey sidaan ma ka dhurtey ,dhalaalkan dhulka dul saran dhayahagu ma arkeen ma dhaba ma dhayalba ma isweydisay ,dhalataye maxad soo kordhisey ma is tidhi waad dhimane maxaad la dhelman ma isa suashay .
Adon hu’iyo hanti midna lahayn ,hadal iyo higaad midna aqoon ayaad dunidad timi se waxa is weydin leh dhalataye maxad la dhiman .
Akhiro iyo dunida maxaad dhigaaga ku dhaafin maxad dhigated akhiro dheefin ama dhaqatay dunidan , dhabada aad haysid ma isku hubisay ,hadba halkaad tagan tahay hareerahayda ma jelecday halkad haybinayso ma uu hanqal tagtay ,sabadad dagi lahayd ma sahamisey salaankad ukori lahayd ma taagtay saka halkaad joogtay beri subax waa inaad ka gudubta hadad faralkuun tukan jirtey sunahan raaci , bishan hadad jumcayasha quranka akhrin jirtey bisha danbe isniinaha iyo khamiista ku dar sanadkan hadad ramadanta un soontay sanadka danbe shawaalki raaci waagi dilacaba salaanka wa inaad kor usii korta barta ugu sareysa mooye meel kale waa inanay ku dhadhamin , halkaad beegsanayso wa inay noqota janatul farwadsa oo qudha
Tartankii dunidana taagtaad iyo tamartaaba wa inaad isugu geysaa saad dhigaa ula dhigi lahayd una dhaafi lahayd sedka wad wadaagtan nimankan samada iyoo soodimaha dhulka ka war keeney waxay halkaa ku gadhayn ma ahan sahaliyo iyo ciyaaree ee dadaal iyo dhabar adeyg ayay muujiyeen dad unbaa ka jiifsan waayay ilaa ay ka midha dhaliyaan hadafkoodu dad unbey cuntadu udhadhami wayday ila ay kaga rumeyaan waxay doonayeen dad unbey raaxa kala tageen si ay magac iyo mansab ugu yeshan dunida ee adi maxad qabatay saad halkad haybineyso ugaadho mise adoo sagxada jogaad dadka satalaytka cirka udirey u sacab tuntaa sidaas iyo sidaaas bay sameyaan aad ka faloota adoon far udhaqajin inad facaaaga gaadho

najah khadar yonis
xuquuda:bahda aqoonkaab




Leave a Reply

Your email address will not be published.