Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Dhibta iyo Dheefta Laga Dhaxli Karo Sicirka Go’an ee Doollarka iyo Shilinka

Dhibta iyo Dheefta Laga Dhaxli Karo Sicirka Go’an ee Doollarka iyo Shilinka
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Qormadan yar ee gaabani waxa ay eegi doontaa saameynta uu yeelan karo go’aankii ay dawladda Somaliland qaadatay ayaamihii u dambeeyey ee lagu gaadhay in sicir go’an uu yeesho doollar-ka suuqa lagu sarrifo suuqyada Soomaliland

Ugu horrayn, qormadu waxa ay diiradda saari doontaa sida uu sicirbararka wakhtigan ka taagan Soomaaliland u saameyn doono qiimaha shillinka, qiimaha alaabada dibadda laga keeno iyo sida uu u saamayn doono faa’idada ay sameeyaan ganacsatada waaweyn ee waddanka ku nool iyo dadka shaqaalaha ah ee u shaqeeya ganacsatadaa waaweyn.

Horta bilow ahaan aynu in yar ka ogaanno siyaabaha kala duwan ee waddammo badan ay u maamulaan sicirka qiimaha lacagtooda (exchange rate-ka). Badanaa, laba siyood ayaa loo maamulaa: mid ay dowladdu sicirka jarto inta lagu sarifaayo $100 iyo mid uu suuqu sicirka jaro hadba qiimaha uu maalintaa ama sacaddaa inta uu maraayo, taas oo ka madax bannaan dawladda, in kasta oo ay siyaaabo kala duwan oo dadban u maamuli karto. Labadan siyood ee kala duwani waa waxa afka qalaad lagu kala yidhaa “fixed exchange rate” iyo “floating exchange rate.” Mid kastana saamayn gaar ah ayuu dhaqaalaha waddankaasi ku yeeshaa.

Go’aankan dawladdu qaadatay ee ay ku sicir goysay qiimaha doollarka, waa mid dheef iyo dhibba ku yeelan kara dhaqaalahan iskaba kooban ee waddanka. Bal aynu ku horrayno faa’idadda uu i noo yeelan karo, taas oo ay igu horayso qiimaha shilinka oo kor u kici doona. Sababta oo ah, kalsoonida dadku ay ku qabaan lacagtooda ayaa kor u kici doonta, taasina waxa ay keeni doontaa qofkii doonayay inuu in yar meel dhigto, si uu mustaqbalka wax ugu qabsado, in uu iyada oo shilin ah uu meel dhigto isagoon warwar ka qabin in uu qiimaheedu hoos u dhaco maalinta uu u baahdo. Arrinkanna waxaa uu keeni doonaa in uu suuqa ku yaraado shilinka Somaliland, wax kastoo suuqa ku yarna, qiimahiisu kor ayuu u kacaa. Markaa inta ugu yar ee aynu ka dheefi karnaa waa lacagteennan qiimaheedu baaba’ay oo kor u kacda.

Balse si uu arrinkani u hirgalo, waxa loo baahan yahay in Bangiga dhexe ee Somaliland uu doorwayn ka ciyaara sidii sicirkani joogto u noqon lahaa, hadii kale dhaqaalaha waddanka oo dhan ayay arrintani baabi’in kartaa. Haddii sicirka shilinku kor u kaco, waxaa iska cad inuu qof kastaaba iibsan doono, si uu kayd oga dhigto, taasina ay kor uun u sii wadi doonto qiimaha shilinka Somaliand illaa inta suuqa laga waayayaba. Haddaba, door noocee ah ayaa looga baahan yahay inuu baanka dhexe arrinkan ka ciyaaro? Marka uu arko inuu qiimihii shilinku uu cirka isku sii shareeraayo, in baanka dhexe uu arrinkaa soo dhexgalo waa lagamamarmaan, isagoo iibsanaya doollar, lacag badan oo shilin ahna suuqa soo gelinaya. Arrinkani laba siyoodba waa u muhiim, waa ta kowaade, lacag doollar iyo shilin ah oo isku dheelli tiran ayaa suuqa ku wareegi doonta, waa ta labaade, qiimaha shilinka ah ee cirka isku shareeray ayaa hoos u dhici doona.

Had iyo jeer, dadka u dhuun daloola arrimaha dhaqaalaha, waxa ay sheegan in sicirka go’an ee shilinka Somaliland iyo doollarku ay hoos u dhigi doonto sicirbararka. Horta inta aynaan arrinkan u gelin, malaha waxaa muhiim ah in aynu fahanno waxa sicirbararka keena iyo sida ay waddamada caalamku u maamulaan. Sicirbararka (inflation) badanaa waxaa keena laba shay, waa ta kowaade, iyadoo qiimaha waxyaabaha kala duwan ee alaabaha laga sameeyo uu kor u kaco iyo dadka waddanka ku nool oo dhaqalahoodu kor u kaco, ka dibna alaabo badan iibsada. Arrinka hore wax badan oo dawladu ka qaban kartaa ma jirto had iyo jeer, balse shirkadaha waawayn ayaa isku daya siday u dhimi lahayeen qiimaha waxyaabaha ay alaabtooda ka sameeyaan, iyaga oo isku dayaya in ay waddammo waxyabahaasi ku jaban yihiin ka soo iibsadan.  Balse marka iibsiga alaabtu kor u kaco ee ay alaabtiina qaaligarowdo, dawladdu, gaar ahaan baanku waxa uu sameeyaa dadka ayuu ku dhiiri galiyaa inay lacagtooda baanka dhigtaan, isagoo faa’ido u dulsaaraya; arrinkan oo riba ah oo ayna diinteennu ogalayn. Midda kale, dawladu waxay samaysaa, lacagtii ay kharashgarayn jirtay iyada oo tusaale ahaan dhisaysa waddooyin, ayay dhintaa, taasina waxa ay keentaa in ay dad badani shaqo beelaan, iyada lafteeduna ay keento in alaab-iibsashadii hoos u dhacdo, taasina ugu dambayntii qiimihii alaabta ay jabiso.

Balse, siciribararkeennu labada kor ku xusanba wuu ka duwan yahay, waayo waxna ma soo saarno, dadkeennuna dad danyar ah ayay u badan yihiin. Haddaba, maxaa sicirbararkeenna keenay, ayay su’aashu tahay. Waxay ila tahay in sicirbararkani uu ka yimid suuq aan sharci lahayn oo u xidhan shirkado gaar ah oo dhaqaale badanna ku fadhiya, una oggolayn in lagu la tartamo suuqaa, iyaga ayaana u madax bannaan inta ay alaabtooda ku iibinayaan, waayo sharci dawladeed oo qabanayaa ma jiro, ganacsade kale oo ay ka baqayaan in uu alaabtooda alaab la mid ah uu sicir jaban ku iibiyana ma jiro. Cid kuu diidaysaa ma jirto in alaabtooda oo kale aad suuqa qiimo jaban ku geyso, balse waa lagaa dhaqaale badan yahay oo waxay awoodaan inay qiiimodhimis wayn ku sameeyaan alaabta aad suuqa keentay, si ay suuqa kaaga saran.

Haddaba, hadii asalka sicirbararkeennu yahay arrinkan, sidee sicirgoynta doollarka Maraykanka iyo shilinka Somaliland saamayn ugu yeelayanayaa, ayay tahay su’aasha labaad. Horta waa midda kowaade, sicirgonynta doollarka iyo shilinku way dhimi doonta qiimaha alaabta suuqa lagu gado, mustaqbalka dhow. Sababtoo ah, dadka ayaa isku dayi doona in lacagtii ay wixii aan loo bahnayn markaa ay ku iiibsan jireen, ay ku iibsadaan shilinka, qiimaha lacagtan oo sarreeya awgeed, si ay mustaqbalka u maalgashadaan. Taasi waxay keeni doontaa in alaabtiii badnayd ee laga iibsan jiray nimankaa ganacsadayaasha ahi ay hoos u dhacdo, ka dibna ay qiimedhimis u sameeyaan si ay alaab cusub u keenan, tii horena u xaraashaan. Arrinkanise, shaqo-la’aantii waddanka ka jirtay ayuun bay sii kordhin doontaa, sababta oo ah, marka alaabtooda laga iibsan waayo, iyaguna shaqaale-dhimis ayay samayn dodnan, ka dibna dadkii shaqada laga eryey ee mushaharkoodii waayay ayaan heli doonin dhaqaale ay wax ku iibsadaan, taasina waxa ay keeni doontaa qiimaha oo hoos u sii dhaca. Balse, muddo ka bacdi, arrinkani waxa uu keeni doonaa, in aalabtii qiimaheedu jabo, ganacsatadiina faa’ido helaan, dibna dadkii u shaqalaysiiyaan.

Hase ahaatee, arrinkani waa arrin u bahan fikir qaran iyo baanka dhexe oo garta waajibaadka saaran iyo sidii uu dhaqaalaha waddanka u maamuli lahaa.

Maxamed Ismaaciil