Search
Friday 24 May 2019
  • :
  • :

DHIIG KARKA (Hypertension)

DHIIG KARKA (Hypertension)
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Dhiig karku waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, cadaadiska dhiiguna waa cadaadiska ka dhashy dhiiga ka imanaya wadnaha ee ku socda unugyada jidhka ama dhiiga ka imanaya unugyada jidhka ee ku socda wadnaha. Dhiig karku waxa uu sare u qaadayaa cadaadiska dhiiga oo caqabad ku noqonaya shaqada wadnaha hadii aan la dawayn.

CALAAMADAHA

Dhiig karku calaamada muuqda malaha, balse waxaad isku arki kartaa madax xanuun yar oo khafiifa iyo daal. Kaliya waxaad ogaan kartaa adigoo cabira heerka cadaadiska dhiigu marayo. Dhiig karka aadka u kacsan waxa uu ruuxu dareemaa madax xanuun, daal, lalabo, jahwareer iyo sanka oo dhiig ka yimaado.
Qofkasta oo qaangaadh ah waa inuu cabiraa cadaadiska dhiigiisa shanti sanoba hal mar, balse hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 mmHg waa inaad cabirtaa ugu yaraan
sanadkiiba hal mar.

SIDO LOO CABIRAA DHIIG KARKA?

Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo mashiin leh maro lagu xiro dhinaca sare ee gacanta, markaa labo lambar ayaa cadaadiska dhiigga loo qoraa.
• Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa “systolic”. Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
• Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa “diastolic”. Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

CADAADISKA DHIIGA EE CAADIGA AH :

Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah wuxuu ka agdhow yahay tirada 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Da’da way saamaysaa cadaadiska, oo wax yar ayuu ka korreeyaa akhrinta kor ku xusan mar walbuu qofka da’diisa kororto, waana dabiici.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan yahay.
Cadaadiska dhiigga wuxuu isu badali karaa daqiiqado, qasab maahan in mashiinta ay soo qorto 120/80, wax yar ayuu ka duwanaan karaa.

CADAADIS-KA DHIIGA OO SARREYA:

Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 iyo wixii ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Mar kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa
.
BAADHITAANO:-

Marka cabirka cadaadiska dhiigu tuso in dhiigaagu kacsanyahay ayuu dhakhtarku kaa qaadayaa dhiig iyo kaadi si loo ogaado heerka borotiinka ee kaadida. Sidoo kale waxa lagu saarayaa qalabka EKG si loo eego in wadnahu caafimaad qabo iyo inkale. Dhiiga lagaa qaado waxa lagu ogaanayaa heerka milixda ee dhiiga ku jira, kalyuhu inay shaqaynayaan, duxda ama kalostaroolka dhiiga iyo heerka sonkarta ee dhiiga.
Dadka qaba xanuunka macaanku way u dhaga nugul yihiin in cadaadiska dhiigoodu sare ukaca (Dhiigkar).

MAXAA KORDHIYA HALISTA DHIIG KARKU INUU IGU DHACO?

 Hiddo:- hadii qoyskaagu uu lahaa dhiig kar waxa sahlan in uu adigana ku asiibo.
 Da’da:- markasta oo da’du sii waynaato waxa koraya jaaniska dhiig karku kugu dhici karo.
 Milixda badan:- Cunto milixdu ku badantahay hadaad cunto waxa siyaadaya fursada uu kugu dhici karo dhiigkar.
 Khamriga:- khamrigu waa hooyada cudurada, waxaanu sababaa boqolaal xanuun oo uu ka mid yahay dhiig kar.
 Miisaankaaga oo culus:- buurnida iyo cayilku waxay sababaan xanuuno badan.
 Qoomiyadaha:- qoomiyadaha qaar ayaa u dhago nugul ina uu asiibo dhiig karku sida qoomiyada Afikan amerikanka, sababtana lama garanayo.
 Maadooyinka qaar oo yar:- sida macdanta potassium, magnesium iyo calcium.
 Jimicsi la’aan:- fadhiga iyo jimicsi la’aantu waxay keenaan carqalado badan.
 Hurdada oo neeftu kugu qabato:- xilliga hurdada oo hawo mareenku uu daboolmo.
 Daawooyinka:- daawooyinka lagu dajiyo kaarka iyo xummada waxay keenan dhiig kar sida naproxen,motrin iyo celebrex.

GOORMA AYAA LA XIDHIIDH DHAKTARKA?

Sida ugu dhakhsaha badan la xidhiidh dhakhtarka..
• Hadii cadaadiska dhiigaagu uu ka badanyahay 180/110 mmHg.
• Hadii aad u malayso in dhiig karku kugu sababay calaamadahan; madax xanuun daran, aragtida oo ku daciifta, lalabo iyo matag.
• Waxa haboon inaad la xidhiidho dhakhtarka.
• Hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 ama ka sareeyo.
• Hadii aad istidhaahdo dhiig karku saamayan ayuu kugu keenay.

SIDAAN UGA HORTAGAA DHIIG KARKA ?

• Sigaarka jooji.
• Miisaanka dhin hadii uu saa’id yahay.
• Cunto fiican cun oo isu dheelitiran.
• Jimicsi samee, sida orodka, dabaasha ama baaskiilka.
• Khamriga iyo daroogada ha u dhowaan.

SUAALO MUHIIM AH IN AAD WAYDIISO DHATARKAAGA:-

1. Halkuu marayaa cabirka cadaadiska dhiigu?
2. Waa maxay cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho?
3. Labada cadaadis (ka sare iyo ka hooose) keebaa kacsan?
4. Ma jiraa wax saamaynaya dhiig karka sida khamriga, sigaarka, cuntada, miisaanka jidhka iyo jimcsiga?
5. Waa maxay dawada dhiig kara iyo sida ay ii saamaynayso?
6. Dawadu miyey igu keenaysaa xanuuno kale?
7. Xillima Ayaan qaataa dawada? Sideebaan u qaataa dawada`?
8. Ma jiraa dawooyin aan iska ilaalinayo?

DAAWAYNTA :-

Dhiig karka aan la dawayni waxa uu sababi karaa dhiig madaxa kaaga furma ama wadne xanuun. Dhiig karka sidiisaba lama daawayn karo balse waa la xakamayn karaa. Waxa loo xakameeyaa laba qaybood.
 Nolosha ood wax ka badasho.
 Daawayn joogta ah.
Dhakhtarku waxa uu ku siinayaa hadafka ah in la xaqiijiyo tusaale ahaan heerka cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho si uu uga hooseeyo 140/90 mmHg.

 Nolosha ood wax ka badasho.
Dadka qaar waxa ku filan oo kaliya inay nolosha ay wax ka badalaan, waxayna ku xidhantahay heerka dhiig karku marayo iyo hadaad leedahay xanuuno kale sida macaanka, alyo xanuun ama wadne xanuun.

• Miisaankaaga dhin:- hadii aad buurantahay ood dhinto miisaankaaga dhiigkarkuna hoos ayuu u dhacayaa.
• Jimicsi samee:- waa inaad samayso jimicsi sida orodka, dabaasha iyo baaskiilka.
• Jooji sigaarka:- nikatiinta ku jirta sigaara waxay kicisaa dhiig karka iyo garaaca wadnaha.
• Khamriga ha udhowaan:- khamrigu waa hoyga iyo hooyada cudurada.
• Cun cuntooyin fiican:- qorshee cuntadaada isuna dheeli tir.
Hadii noloshaada ood wax ka badashy ay dhimi waydo dhiig karka waxaad u baahantahay daawooyin joogto ah. Dawadu way xakamaynaysaa dhiig karka balse ma dawaynayso. Dadka qaar waxay dareemaan inay adagtahay in la qaato dawooyin markasta, gaar ahaan markay aanay dareemayn xanuun. Hadiiba ay adagtahay inaad qaadato dawooyinka la xidhiidh dhakhtarkaaga.

 Daawooyinka.

Daawooyinka aad qaadanaysid waxay ku xidhantahay heerka uu marayo dhiig karku, iyo hadafka la doonayo in la xaqiijiyo. Sidoo kale waxay ku xidhantahay hadii aad qabto xanuuno kale sida macaanka, kalyo xanuun ama wadne xanuun. Dhakhtarku waxa uu ku qorayaa marka hore dawooyin khafiifa iyo qadar yar balse hadii ay ku caawinwaydo waxa uu kuu qori dawo culus ama qadar badan ah, dawooyinka waxa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:-

1. Diuretics:- waxay leedahay noocyo badan sida Thiazide, Loop, Potassium-sparing iyo Quinazoline. Dawadan waxay sababtaa in kalyuhu sii daayaan milix badan iyo biyo, tasoo caawinaysa in gidaarka xididadu waynaado oo ay nastaan.

2. ACE inhibitors:- Daawadani waxay xakamaysaa hormoono cidhiidhiya gidaarka xidididada, tasoo sahasha in dhiig karku hoos u dhaco.

3. Angiotensin II receptor blockers (ARBs):- waxay xakamaysaa shaqada hormoonada cidhiidhiya gidaarka xididada.

4. Beta-blockers:- waxay yaraysaa garaaca wadnaha iyo dhiiga kasoo burqada wadnaha.waxaana inta badana loo qoraa dadka wadno xanuunka leh.

5. Calcium channel blockers:- waxay sababtaa in gidaarada xididadu waynaadaan, dhiiguna si sahlan u socdo.

6. Direct renin inhibitors:- waxay xakamaysaa shaqada hormoonada dhiig karka.

Diyaariye :Mustafe Saleebaan Xasan