Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Duhurkii iska yara jiifso

Duhurkii iska yara jiifso
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Cilmibaadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday duhurka oo la seexdo in laga faa’iidaysto dhowr arrimood oo ay ka mid tahay;
1- Kordhinta feejignaanta: baadhitaan ay samaysay NASA waxaa lagu ogaaday hadduu qofka jiifsado 40 daqiiqo in ay ku filan tahay in feejignaantiisu ay gaadho 100%, tamarna uu ka helayo.
2- Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqaa maskaxda, qofka markuu jiifsado, xasuustiisa way siyaadaa sida la arkay.
3- Waxay isku habaysaa warbixinnada maskaxda lagu keydiyo, qofkuna wuxuu soo kacaa isagoo nastay, awoodna u leh in uu warbixin cusub ku keydiyo maskaxdiisa, hilmaankuna wuu ka yaraadaa.
4- Qofka waxaa ka yaraada diiqadda iyo welwelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan, xifdin la’aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.
Baadhitaan lagu sameeyay arday dhigata jaamcad ku taalla ingiriiska, waxaa la arkay in ardayda jiifsata duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan dhinac kasto ardadyda aanan jiifsanin
Qoraa : Hal abuur Afrika Cali