Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

faaidooyinka caafimaad ee salaadda taraawixda

faaidooyinka caafimaad ee salaadda taraawixda
Follow
( 2 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Salaadda taraawiixdu waa salaad aynu gudano bisha ramadan salaada cishe ka dib ,rakcadaheedu wuxu u dhexeeya 8 illaa 20 .

ka sakow Ajarka iyo xasanaadka tirada badan ee aad ka helayso salaada taraawiixdu waxay leedahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan .

maqaalkan waxaanu kaga hadli doonaa keliya faaidooyinka caafimaad ee salaadda taraawiixda, laakin waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu maqaala kale kaga hadli doono ajarka iyo xasanaadka ay salaaddani leedahay ku guda jirka bisha barakaysan ee ramadan .

Afurka ka dib heerka sonkorta ee jidhku kor ayu u kacaa waxaanu gaadhaa heer aad u sarreeya saacada ama labada saacadood ee u horreeya afurka ka dib, markaad u istaagtid salaada taraawiixda waxa si dhakhsa ah jidhku u gubaa sonkorta isagoo u bedelaya tamar tana waxay jidhka ka dhigeysaa mid dabacsan awood na leh.

waa kuwan qaybo ka mida faaidooyinka caafimaad iyo nafeed ee laga helo salaada taraawixda .salaada taraawixda

Hagaajinta caafimaadka jidhka iyo maskaxda

Salaadda taraawiixda waxa lagu tiriyaa jimicsiyada ugu caafimaadka badan xaga jidhka iyo naftaba waxaanay dheereysa cumriga jidhka, waa hubaal in salaadaha faralka ahi ay la mid yihiin hadana dadka maalintii sooma habeenkiina tukada waxay ku raaxeysanayaan caafimaad jidheed iyo mid nafsiyadeed oo aad u sarreeya .

Faaidooyinka caafimaad ee taraawiixdu u leedahay dadka waaweyn

shaqada xubnaha jidhka waxay yaraadaan markuu qofka Da’ noqdo , tana waxay sababi kartaa in lafaha jidhku daciifaan, lafaha dadka waawayni haddi aanay helin daryeel iyo illaalin caafimaad joogta ah waxa dhici kara in lafahoodu burburaan maadaama dadka waaweyni ay ku yar tahay macdanaha jidhku u baahan yahay . laakiin istaaga iyo dhaqdhaqaaqa salaadda taraawiixda waxay adkeeyaan muruqyada jidhka sidoo kale waxay dabciyaan laabatooyinka ama isgoysyada jidhka tana waxay kordhiyaan awooda iyo kalsoonida nafeed ee dadka waaawayn.

saameynta salaada taraawiixdu ku leedahay murqaha lafaha

xilliga aad tukanayso salaadda taraawixda muruq kasta wuxu sameeyaa dhaqdhaqaaq , dhaqdhaqaaqani wuxu suuro gelinyaa in lafaha jidhku ay helaan macdano badan kuwaaso lafaha ka dhigaya qaar adag ,burburka aan u nuglayn isgoysyada jidhkuna ay dabcaan.

faaidooyinka salaada taraawiixda ee caafimaadka nafsiyadeed

Guud ahaan waxay la isla waafaqsan yahay in jimicsigu hagaajiyo xalaada iyo dabeecada qofka, sidoo kale uu kordhiyo tamarta awoodeed ee jidhka isla markaana uu yareeyo werwerka iyo fekerka badan .sidoo kale jimicsigu wuxu kordhiyaa kalsoonida nafta iyo hagaajinta xasuusta , intan oo dhan salaadda taraawiixda ayaa koobsanaysa.

ugu damabayn :islaamku waa diinka keliya ee koobsanaysa jimicsi jidheed iyo cibaado alle , qofka tukada salaada taraawiixda wuxu leeyahay awood jidheed iyo mid caafimaad inta noloshiisa ka dhiman

Talo : fadlan calooshaad ha u buuxin si xad dhaafa xilliga afurka waa hubaal inaad maqashay taladan , waa inaad xasuusnaataa haddaad dheregto in marka aad salaada isku daydo inaad tagto ama lagu guda jiro aad dareemi doontid lulo huradana u baahatid . taas oo kaa hor istaageysa cibaadada alle .

xuquuqda :aqoonkaab.com

emailka :info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


2 thoughts on “faaidooyinka caafimaad ee salaadda taraawixda

  1. Khadar

    Walaalayaal aad iyo aad ayaan idiin ku mahad celinayaa. Wll maad ku soo dari kartaan kutub soomaali iyo arabic ku qoran. Mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published.