Follow
X
Follow
Caruurta oo dhabarka lagu xambaaro waxay leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
- In xiriirka ilmaha iyo hooyada uu xoogeysto
- In korriimada maskaxda ilmaha oo dhakhso korto maadaama uu aad uga war qabo wax waliba ay hooyadu samaynayso.
- In ilmaha uu dhakhso ku socda markii loo babardhigo ilmaha kale
- Ilmaha oo dhabarka lagu qaado inta uusan gaarin xilliga garguurashada iyo socodka, waxay xoojisaa miskaha iyo sinta meesha ay iska galaan, hadhowne ma kala baxaan markuu soconayo tani waxay ka hortagtaa cudurka Dabacsanaanta miskaha ay caruurtu ku dhashaan (Developmental Dysplasia of the Hip).
- Hooyada oo niyadda u dagan maadaama cunuggeeda ay sidato hadduu jiifo iyo hadduu soo jeedaba.
4-ta qaab ee aad ka arki kartaan sawirka kore ayaa ah qaababka caafimaad ahaan la ansixiyay in caruurta loo xambaari karo.
Burco Office