Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Faa’iidooyinka Malabka Iyo Cudurro Badan Oo Layskaga Daaweeyo Malabka

Faa’iidooyinka Malabka Iyo Cudurro Badan Oo Layskaga Daaweeyo Malabka
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Dunida oo maanta cuduro badani ka jiraan, daawooyinkii oo qiimohoodu aad u sareeyo, dhakhaatiirta oo adeegoodu aad u qaali noqoday isla markaana dadka oo dan yar iyo sabool u batay , daawooyinka oo la kala shaxaaday oo aan tayo lahayn, waxa ay keentay in dib loogu noqdo dabiibkii iyo daawooyinkii dhirta dabiiciga ahaa.

Hadaba Waxa daraasado lagu sameeyey dalal kala duwan oo adduunka ah, kuwaas oo ay muddo dheer ku hawlaayeen khubaro ku xeel dheer cilmiga xanuunada, daawooyinka iyo cilmi baadhista la xidhiidha daawooyinka dabiiciga ah, waxa ay ku ogaatay in malabka iyo qorofolka oo uu mid waliba sidiisa daawo u yahay oo uu bogsiiyo xanuuno badan oo kala duwan kuwaas oo ku dhaca dadka noocyadiisa kala duwan, rag, dumar,waayeel iy caruur.

Daawadana waxa laga sameeyaa isku jir ka kooban malabka iyo budo qorofal la ridqay. Isla markaana waxa la xaqiijiyey in aanay daawada malabka iyo qorofalku lahayn wax dhibaato daawo ah (medicines side effects), sababta oo ah waa wax dabiica ah oo aan kimiko ku jirin ama aan laga samaynin. Sidaana waxa ogolaaday oo aqoonsaday culimada caafimaadka iyo daawooyinka ee dalalka caalamka kuwooda ugu caansan. Sidaa darteed ,waxa aaynu halkan idiinku soo gudbinaynaa cudurada lagu daaweeyo dawada malabka iyo budada qorofalka laga sameeyo.

Waxaana ka mida Xanuunada wadnaha, curuuqda dhiiga- Arthritiska, Hargabka, Calool qushqushka, Xoojinta is difaaca jidhka, Daalka, Finanka wejiga iyo qaar kale oo badan.

 

Aqoonkaab