Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Facebook oo adeegyo cusub soo kordhiyey

Facebook oo adeegyo cusub soo kordhiyey
Follow
( 1 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Facebook waa barta ugu wayn ee kulmisa bulshada dadka isticmaala tiro koobkii u dambeeyey waxa lagu qiyaasey 1.59 bilyan, facebook waxa uu si joogta ugu jiraa koboc xoogan , isla markaana facebook lafterkiisu mar walba waxa uu soo kordhiyaa adeegyo badan si uu dadka u qanciyo isla markaana usoo jiito .

todabaadkan u dambeeya facebook waxa daah furey hab cusub oo u ogalaanaya isticmaalayaasha inay faallo  bixin karaan iyaga oo raacinaya muuqaal kaas oo u bixiyey (Video comments) , hore faalooyinka waxay ka koobnaayeen qoraal iyo sawir keliya.

halkan hoose ka eeg qaabka uu u eekaan doono video comments

Waa sawir ku tusaya sida uu noqon doono video comments

Guud ahaan facebook video waxa uu ku jiraa koboc xoogan isagoo si aad ah loolan ugula jira barta ugu wayn ee muuqaalada lagu wadaago youtube laakiin weli facebook ma gaadhin tayada youtube ka.

sidoo kale facebook waxa uu daahfurey  (360 photos) sawirada 360 ka xagal wareegi kara ,kuwaas oo aad kaga maarmayso soo dhowayntii sawirada ee ZOOM IN/ZOOM OUT  sawirka 360 ah isaga ayaa si iskii ah u soconaya , u wareegaya kolba dhinac ku tusaya kuna soo dhawaynaya ,sawirka ah 360 afarta jiho ba waad ka daalacan kartaa halka sawirada caadiga keliya laga daalacdo hal jiho . sawirada ah 360 ka waxa ay yeelan doonan sumad yar oo wareegsan kuwaas oo ka soocnaan doona sawirada caadiga ah.

sawir ah 360 oo iskii dhaqaaqaya

sawirada noocan oo kale ah waxa lagu qaadi karaa iPhone ama Samsung Galaxy panorama ama adiga oo isticmaalaya barnaamijyada 360 photos ama kamerada Ricoh ,Aasaaha facebook mark zuckerberg ayaa adeegan shaaciyey isagoo ku baahiyey bartiisa facebook

Fikirkaaga ka dhiibo asxaabtadana la wadaag
waxa Diyaariyey : Maxamed maxamud Sardheeye

xuquuqda Aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.