Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Fadliga Soonka Bisha Ramadaan

Fadliga Soonka Bisha Ramadaan
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Abuu Hurayra waxaa laga wariyay Ilaahay ha ka raalli ahaadee , in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabdgalyo Alle  korkiisa ahaataye uu yidhi:-” Ilaahay sharf lahaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-“Camal kasta oo Ina Aadan leeyahay isagaa iska leh Soonka mooyaane,aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marinaya”(*) Soonkuna waa gaashaan, markaa haddii maalin Soon ay u tahay midkiin yaanu hadal xun ku hadlin, yaanuna qaylyin,yaanuna caytamin, haddii mid caayana ama la dagaalamabaha yidhaahdo:- Anigu waan Soomanahay, laba jeer, Ilaah nafta Muxamad gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee xayaabada afka qofka Sooman ku taala ayaa kala udgoon Ilaahay agtiisa maalinta Qiyaamo urta Miskiga, ka Soomanna laba farxadood ayuu farxaa:-Marka uu Afuro wuu ku farxaa afurkiisa, marka uu la kumo Rabbigiina wuu ku farxaa Soonkiisa” Waxaa wariyay Axmed, Muslim iyo Annisaa”i

-Warin kale oo ay Bukhaari iyo Abii Daa”uud u soo wariyeen ayaa ah in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-“Soonku waa gaashaan , markaa haddii midkiin sooman yahay yaanu hadal xun ku hadlin yaanuna caytamin, haddii qof la dagaalamo ama uu la caytamo ha yidhaahdo:-“Anigu waan soomanahay laba jeer, Ilaaha nafta Maxamed (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, xayaabada afka soomanaha ku taala ayaa uga udgoon badan Ilaahay agtiisa carafta Miskiga,(Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi) wuxuu uga tagay cuntadiisii, cabitaankiisii iyo hawadiisiiba dartay. Soonka aniga ayaa iska leh, aniga ayaana ka abaal marinaya isaga, wanaaguna waa toban laab” .

-Waxaa kale oo laga soo wariyay Cabdillaahi Ina Camar in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-“Soonka iyo Quraanku waxay u shafeeca qaadaan addoonka maalinta Qiyaame, Soonku wuxuu yidhaahdaa Rabbiyow waxaan u diiday cunto iyo shahwooyinkii maalinimo e iiga shafeeco yeel, Quraankuna wuxuu yidhaahdaa:-“Waxaan u diiday hurdadii habeenimo e iiga shafeeco yeel, markaasay u shafeeco qaadaan (oo Ilaahay ka aqbalaa shafeeco qaadka ay Ilaahay u waydiinayaan)” Waxaa ku wariyay Sanad saxiix ah Axmed.

XUQUUQDA:AQOONKAAB.COM



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.