Search
Thursday 15 November 2018
  • :
  • :

Falaqayn Ku Saabsan Shaqo La’aanta

Falaqayn Ku Saabsan Shaqo La’aanta
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Waayadan dambe waxa dunida kaga qaaq siyey shaqo la’aan baahsan iyo duruufo dhaqaale oo aad u qalafsan gaar ahaan dalalka soo koraya Afrika haba ugu badnaatee.

Hadaba su’aashu waxay tahay: waa maxay shaqa la’aantu ?

Maxa keena shaqa la’aanta? Maxay se kala yihiin noocyada shaqo la’aantu? Waa maxay cawaaqibka bulsheed iyo dhaqaaale ee shaqa la’aanta dalka iyo dadkuba ka dhaxlaan? İyo sida shaqa la’aantu lagu yarayn karo?. Waxan maanta qalinka u qaatay bal inaan isku dayo inaan jawaabo aad u koobkooban ka bixiyo su’aalahaas marka la eego cilmiyada ay dhaqaale yahanada caalamku isku raaceen. Ugu horrayn haddaynu ku bilawno fasiraaddashaqo la’aanta ay isla qaateen khubarada cilmiga dhaqaalahu sida ay shaacisay hay’adda International Labour Organization, ILO, qofka waxa lagu tilmaama iney shaqo la’aan hayso markuu afartii usbuuc eetegey uu baadi doon shaqo ku jiray isla markaana aanu helin shaqadaas isagoo leh xirfaddeedi gadhayna da’dii shaqada*. Noocyada shaqa la’aanta: Seddexda nooc ee ugu caansan shaqa la’aanta waxa kala yihiin: 1-Frictional unemployment:- Noocan waxay dhacdaa marka qofku uu ku jiro baadi-doon shaqo muddada udhaxaysa markuu shaqadii hore ka tegey mid kalena aanu weli helin. 2- Structural unemployment :- Noocani waxay dhacdaa marka xirfadaha qarkood ay bilaa suuq noqdaan ama qofka xirafadda uu leyahay iyo xirafadda shaqo ee loo bahan yahay ay kala duwanaadaan. Tusaaale ahaan hormarka technologiyaded awadii waxa dhacda in laga marmo shaqaalaha qaar ama lagu badalo aalad sida in qof bartay “book-keeping” laga kaaftoma oo la adeegsado software xisabeed sida “quickbook”qofkii beddelkiisi. 3- Cyclical unemployment:- Guud ahaan dhaqaalahu marna hoos udhac ayaa ku yimada marna kor ukac. Wershadaha wax soosarku waxay sameeyaan shaqaale dhimis marka uu dhaqaaluhu hoosudhaco madama ay yaraanayso baaahida loo qabo wax-soosarkooda taasna waxay galafataa oo bannaanka dhigtaa shaqaale badan. Waxa jirta nooc kale oo lagu afareeyo sedexdaa aynu kor kusoo sheegnay oo loo yaqaan: 4-Seasonal unemployment :- Noocani waxay ku xidhantahay isbedel xilyeedka iyado shaqooyinka qar sida dalaga beeraha ,dalxiiska iyo kuwo lamidka ahi ay isla badalan xiliyada. Tusaale ahaan xiliga xagaga waxay shaqa la’aan ku dhacda dadka ka ganacsada dalaayadaha roobka iyo koodhadhka. Maxa keena shaqa la’aanta ? Kala duwanashaha noocyada shaqada ayaa waxay keensatay iney kala jaad noqdaan sababaha keeni kara shaqo la’aanta balse guud ahaan waxa sababa qodobadan: 1- Xirfad la’aanta :- ka hor inta aanad xirfad gaar ah kasban waa inad ogaata fursadaha shaqo ee ay leedahay si anay hadhow kaaga hor iman carqalado. Dhibaatoyinka ugu waaweyn ee Africa soo wajaha waxa ka mid ah system-keeda waxbarasho oo liita kaaso utababara dhalinta shaqooyinka xafiisyada isagoon wax xirfada oo ay ku hawl geli karaan ukordhin. 2- Hormarka tiknolojiyada :- Isbedelka tiknolojiyada ee xawaraha ku socda wuxu keenay in laga maarmo shaqale badan oo halkoodi la adeegsado mishiino iyo kambuyataro . 3- Shaqo raadin la’aan :- Ma ahan shaqadu wax iska diyaar ah oo miis kuusii saaran. Si aad shaqo u hesho waxaadu baahan tahay inaad samayso badhitaan iyo ukuur gal fara badan. Dhibta haysata dhalin badan ayaa ah inay camal radiyaaan iyagoo cagaha laabtay hadhowna dowlada ku eedaynaya in shaqa la’aani jirto. 4- Takoorka shaqo :- Goobaha shaqo qaarkod waxa dhacda in qofka isagoo leh kartidii shaqo inaan la siin iyadoo lagu faquuqayo qabilkisa, diintisa ama lagu dirsoocayo jinsiyadiisa. 5- Nabadgelyo darada iyo dagaalada joogtada :- Xasiloni darada siyasaded waxay sababta maalgashiga oo yarada taaso hoos udhigta shaqo abuurka bulshada. 6- Kasoo hayaamida miyiga iyo tuuloyinka :- Magaalaynta xooga leh iyo kasoo hayamida miyiga waxay keentay in fursdaha shaqo ee magaalada ka jira laysku cidhiidhiyo isla markaana ay meesha ka baxaan shaqooyin wax soosaar oo miyiga ah sida xoolo dhaqis madaama dadkii ka shaqayn lahaa magaalada soo galeen. Shaqa la’aanta waxa lagu tilmaamaa afooyinka qaran ee ragadiya hormarka iyo hanaanka shaqo ee bulsho taasoo hoos udhigta dhaman waxsoosarka iyo heerka dhaqaaale ee dal. Hadaba waxaynu ukala qaadeyna saameynta ay ku leedahay bulshada iyo tay ku ledahay dhaqaalaha Cawaaqibka bulsho ee shaqa la’aanta: 1-Hoose udhac heerka caafimaad :- Iyadoo aynu ognahay qofka shaqa la’aanta ku dhacda inay ay lasoo gudboonadaan xanuuno badan oo maskaxeed sida warwarka ,kalsooni darada iyo niyad jabka ayaa hadana shaqa la’aantu waxay yaraysa awoodda dhaqaaale ee qofku isku dawaynayo hadii xanuuno jidheed lasoo dersaan taaso guud ahaan wiiqeysa cafimaadka bulsheed gaar ahaan inta jeebka liidata. 2- Furniinka oo bata :- Shaqo la’aantu haday ku baaahdo dhalinta oo ah abbayaasha beri, waxa dhacda in masuuliyaadkii dhaqaale ee saarnaa aabaha u kasoo bixi kari waayo taasna ay keentoo khilaaf qoyseed oo laga dhaxlo reer burbura. 3- Tahriibka:- Shaqa la’aanta waxay keenta in dhalin yarto ka firdhadaan dalkooda isla markaana ay raadiyaan nolol ka fican tan ku jireen iyo fursado shaqo taasna waxay keenta hoosu dhaca xoogga shaqaale ee dalka iyo wiiqmid ku timaada wax soosarkiisa. 4- Kor ukaca tuugnimada iyo dhaca :- Shaqa la’aantu waxay keenta in waddo khaldan qofku umaro si uu u helo quutal daruurigiisa haday tahay inuu ku qadhaabsado shaqo aan sharci ahayn iyo hadday noqoto inuu si toosah dadka udhacaba. 5- Ayaan darro la kowsata jiilka berri :-Shaqa la’aanta joogtada ee ku daba dheerata bulshada waxay samayn xoog leh ku yeelataa faca beri madaama ay xadiddo nooca iskulada iyo tayada waxbarshada ay heli karaan dan yartu. Waxakale oo laga dhaxlaa xirfad burbur iyo suulida kartida awooded ee qofka ku keydsan marka aanu muddo badan kaga shaqaysiin. Dhibaatooyinka dhaqaale ee shaqa la’aanta: 1- Cashuurta oo yaraata:-markay yaraato tirada dadka shaqeeya waxa hoos udhac ku imanayaa dakhligooda taaso yarayneysa xadiga cashuur eeqofku bixinaayo waxana yarata ilaha dhaqaale ee dawladdu ay ku fulin lahayd mashaariico horumarineed. 2- GDP-ga dalka oo hoos dhac ku yimaado: markast oo ay yaraato tirada shaqaaluhu waxa yaraada waxsoosarka dalka taasoo galafata GDP-ga dalka waxayna hoos udhigta wax dhoofinta dalka taasoo keenta “balance of payment deficit” ama. Dawladda waxa kaga baxa dhaqaale badan masharicaha shaqo abuur oo ay u adeegsan lahayd hormarinta dalka , waxayna shaqa la’aanta caga jiidka ahi dawlada ku kallifta amaaho si ay ugu kaabto hoosu dhaca dhaqaale ee shaqa la’aantu keentay. markaynu isla garanaya dhibatooyinka ay shaqa la’aantu qaranka u kento waxa laga marmaana in dawladu ay qaato taloobin hor leh sidii lola tacaali lahaa shaqa la’aanta laguna yarayn laha heerka shaqa la’aaanta sida İn manhajka waxbarsho lagu soo daro barashada xirfadah si hadi qofku u ku guuldaresto inu ku shaqa galo aqoontisa uu awoodu inuu ku hawl galo xirfadiisa. İn la sameeyo xidhiidh ka dhaxeeya goobaha waxbarshada iyo shaqa bixiyaasha si ay uga faaideysataan dhalin yartu xidhidhkaas oo markay dhameyan waxbarashada markiiba ay shaqo hor leh ay uhelaan. İn dawladu maal galiso mashaaricda beeraha iyo xoolaha si loo yareyo kasoo hayaamida miyiga,waxsoosaarka miyigana looga faaideysto . İn dawlada gacan siiso ganacsatada yaryar si ay ubaladhiyaan ganacsigooda una shaqa galiyaan dad kale




Leave a Reply

Your email address will not be published.