Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Fuuqbaxa

Fuuqbaxa
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Fuuq baxu waa xaalad timaada marka uu jidhkaagu lumiyo in ka badan xaddiga dareere ee aad qadatay. Sida ugu badan oo uu jidhkaagu ku lumiya dareeraha waxaa ka mid ah dhidid xad dhaaf ah. Qofka caadiga ah waxa uu u baahan yahay in ku dhow 3 litir oo biyo ah maalintii .Inkastoo qofka  dhaqdhaqaaqiisa badan yahay iyo dadka ka shaqeeya goobaha heer kulkooda saareeyo ay u baahanayaan in ka badan intaas.

Marka jidhka uu lumiyo biyo fara badan ,unugyada iyo xubnaha jidhka waxay ka gabaan shaqadoda taas oo keenaysa inay xaalad caafimaad qofka lasoo daristo.

Waa Maxay Astaamaha Fuuqbaxa?

Dadka qaar waxay u nugul yihiin fuuqbaxa sida :

  • Dadka ka shaqeeya meelaha heer kulkooda sareeya
  • Qofka xanuun la iil daran
  • Dadka dagan meel dhulka ka sareyso
  • Carurta iyo dhalaanka

Fuuq baxa inkasta uu yahay xaalad ka dhalata jidhka oo lumiyay dareere ka badan inta qofka uu qadanayo, ama xaalad faragelin ku sameysa habsamida xakameynta dareeraha jidhka.

Astaamaha qaar ee fuuq baxa waxaa ka mid ah:

  • Hurdo badan
  • Afka oo qalala
  • Haraad badan
  • Kaadida oo yaraata
  • Maqarka oo qalala
  • Wareer
  • Madax xanuun
  • Qandho
  • Dhididka oo yarada
  • Shuban badan
  • Calool istaag

Maxaa Sababa Fuuqbaxa?

  • Gubasho
  • Hawad kulul ama in aad goob her kulkeeda dareeyo in aad waqti joogto
  • Xalad xanuunada qaar sida sokorowga
  • Jimicsiga jirka oo keena dhidid fara badan
  • Dawooyinka qaar sida ku wa dhiig-karka.
  • Dhiig bixid
  • Matag, hunqaaco iyo shuban.

Sidee Looga Hortagi Karaa Fuuqbax?

Hadii aad jirantahay badi biyo cabidaada, gaar ahaan hadii aad hunqaacayso amaba shubmayso si joogta ah, hadii aadan ceshan karin dareeraha la xariir dhaqatarkaaga.

Hadii aad jimicsatid amaba aad ciyaarto ha ilaawin intaadan bilaawin inaad cabto 1 ilaa 3 galaas oo biyo ah.

Ku dhiira geli caruurta inaya cabaan biyo ku filan

Iska ilaali/amaba ka fogoow  huurka iyo heerkulka sare .

Hadaad ku aragta astaamaha fuuqbaxa qof ay hayso amaba aad adiga is ka dareemto ha ilaawin inaad si dhaqsa ah biyo ku cabto amaba aad qofkaas la gaarto biyo.

cabdilaahi cabdi muuse (shicib)