Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Gabay qaab dhismeedka lafaha iyo sida ay iskugu xidhan yihiin (Skeletal system)

Gabay qaab dhismeedka lafaha iyo sida ay iskugu xidhan yihiin (Skeletal system)
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Gabaygan wuxu ka hadlayaa dhamaan qaab dhismeedka lafaha aadamaha , waxaanu ka mid yahay buug dhowaan soo bixi doona oo ku saabsan qaab dhismeedka jidhka (Anotomy) , kaas oo ka kooban qaybaha jidhka oo dhan , laguna soo bandhigayo af ka soomaaliga iyadoo loo mariyo qaab suugaaneed iyo turjumaad .
waxa curiyey arday ka mid ah ardayda caafimaadka barata oo lagu magacaabo yaasiin ibraahim cabdilaahi

skdtal

  •  Qofkastaba qolfoofba ku jira
  • Qaabkan bodhigiisa
  • Qaybkastaa lafay leedahoo
  • Lagu yaqaanaayee
  • Qiyaastii tin iyo cidhib lafbaa
  • Teedsan oo taxanee
  • Qaybahoodu waa fayf
  • Markaan qirayo qaabkooda
  • Lafta gaaban shoortay dhahaan
  • Dhererse waa loongi
  • Midna waa falaad siman
  • Tukale rigularbay diiday
  • Sisimoodh hadaan kugu daro
  • Tirade waa khaamis
  • Kuwa dhexe aksila bay dhahaan
  • Afarta waaxoodna
  • Abdhikulada weeyaan
  • Hadaan laga ma suugaynee
  • Mar haday oksibitaal ku taal
  • Madax qadaadkeena
  • Baariyaatal baa uugu dhaw
  • Baydka dhinaceeda
  • Tanbaroola hoostay jirtaa
  • Cidhibta daankaaga
  • Fuqa hore hadaan soo bandhigo
  • Waa magsiilah ee
  • Marna waa lakriimada sariyo
  • Dhinaca seego maatig
  • Nasal bown ayaa kuu xadaa
  • Forontal hoosteeda
  • Isimoodh haday kuu hadhana
  • Gudaha weeyaanee
  • Isfiinoodh baa uuga mudan
  • Forontal baasheeda
  • Dhaguhuna la fay leeyihiin
  • Loo ogsoon yahayee
  • Maylias inkis hadaan kugu xidho
  • Waaxid baa dhimanee
  • Qabkan hoose qaarbaa ku hadhay
  • Laawar jawn keena
  • Madhibuladu kawbay ka tahay
  • Labada meetaalo
  • Cunahana midbaa iigu dhiman
  • Qoobka faraskaayee
  • Hooyidh bawn halkaasan ka helay
  • Hadal se waa kawee
  • Heedhka sare hadaan hoos ka dago
  • Atlastan ii kaalay
  • Sarfikaal toraasika lanbuur
  • Waa silsilad dheeree
  • Sakram iyo kosakis baa ku xidhan
  • Bel fiska baarkeeda
  • Saablaydu haday kuu hadhana
  • Ribiska weeyaanee
  • Badh isteernam haystay ku odhan
  • Waa turuu ribisee
  • Folosh baa ku xidhan feedhaha
  • Kuwa sabaynaaya .
  • Kalaa fika iskaabula ku xidhay
  • Cududa jaynkeeda
  • Inkastay huyuumar uun u tahay
  • Raadhiyo unlada
  • Marna kaarbalbay kuu la tagin
  • Mito kaarbashuyee
  • Falaa jiiniskay kuugu xidhin
  • Dhistalka fiiqooda
  • Qabkan sare hadaan hoos ka dago
  • Belfiska ii raaci
  • Saddexbay u kala qaybiyeen
  • Waa la yaab daraneee
  • Folosh iyo turuu dheheen
  • Wadar ahaantooda
  • Marka hore fuyuumaray ku xidho
  • Waa bateelihiyee
  • Tibiyaa fabuulahan ku xidhan
  • Xadhiga joynkeeda
  • Xaga kale haday tarsal tahay
  • Waa xad dhaaf daranee
  • Mito tarsal baa uu ugu wacan
  • Qaabka socodkeena
  • Inkastay falaa jiinistahay
  • Lagu sabaynaayo .
  • Bartaasbaan dul dhigay buuxsinkii
  • Baydka hadalkayga
  • Baaqiga hadhaan ku dub dhigay
  • Adigu maarayso .

.

Waxa curiyey: Yaasin ibraahim cabdilaahi (Medical student)/Dr Bashaash

Filo dhowaan buugan oo dhamaystiran in shaa allah