Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Garaaca wadnaha oo khaldama

Garaaca wadnaha oo khaldama
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Garaaca wadnaha oo khaldama waa xaalad saameyn ku yeelato heerka iyo laxanka garaaca wadnaha. Xaaladaan waxey dhacdaa marka fariima korontada ee haga garaaca wadnaha aysan si fiican u shaqeyn. Tani waxey sababeysaa in wadnaha uu u garaaco:

  • Si dhakhsi badan (tachycardia)

  • Si gaabis badan (bradycardia)

  • Si ka horeysa sida caadiga ah (premature contruction)

  • Si isku dhex yaacsan (fibrillation)

Ku dhawaad qof kasta wuxuu ugu yaraan hal jeer dareemaa laxanka garaaca wadnaha oo aan caadi aheyn. Waxaa laga yaabaa inaad dareentid in wadnaha uu saa’id ugaraacayo ama garaaca uu ka badbadinayo. Garaaca wadnaha oo khaldama waa xaalad caan ah oo aan mararka qaar dhib laheyn, hasa yeeshe waa arin dhibaato soo jiida karta. Marka xaaladaan ay farageliso qulqulka dhiiga ee jirka, waxay dhaawici karta maskaxda, sambabaha iyo xubna kale oo muhiim ah. Hadii aan la daweyn garaaca wadnaha oo khaldama waxey noqon kartaa mid khatar ku ah nolosha qofka.

Sidee buu wadnaha u shaqeeyaa?

Garaaca wadnaha waxaa maamula unugyo khaas ah oo ku yaala Atriyamka midigeed, waxaana loo yaqaanaa SA Node waa halka ay kabilaabato laxanka garaaca wadanaha. unugyadaan waxay sii daayaan koronto ugudbi karta unugyada kale ee dariska la ah, si dhamaan unugyada wadnaha ay korontadu si isla mid ah u wada gaarto. korontadaas ayaa dhexmarta dhamaan unugyada wadnaha, marka ay unugyada so gaarto koronta waa ay isku soo uruuraan, korontada waxaa loo soo daayaa si laxan leh.

Heerka garaaca wadnaha

Wadnaha dhalaanka wuxuu garaacaa 120 jeer daqiiqadi, heerkaan waa mid si tartiib ah hoos ugu soo dhaca ilaa qaangaar nimada, xiligaas oo uu wadanaha garaaco inta udhexeysa 60-100 jeer daqiiqadi, jimicsiga, dhaqdhaqaaqa, iyo shaqada dheefshiidkuba waxay saameyn ku leeyihiin garaaca wadnaha, inta ugu badan ee uu wadnaha bani aadamka garaaci karo ayaa ah 200 ilaa 220 jeer daqiiqadi.

Saameya yaasha

Wadnaha waxaa saameyn ku leh nidaamka isxukuma ee maskaxda ee loo qeybiyo autonomic nervous system. Fariimaha maskaxdu soo dirta ee ah Iska caabinta ama ka cararida khatarta ee loo yaqaano sympathetic nervous system ama  fariimaha maskaxda soo deyso ee  nasniinada iyo soo kabashada ee loo yaqaano parasympathetic nervous system.

Nidaamaka sympathetic wuxuu kor uqaadaa heerka garaaca wadnaha halka nidaamka parasympathetic uu hoos udhigo garaaca wadnaha, parasympatheticla’aantiisa wadnaha wuxuu garaaci lahaa 100 jeer daqiiqada.

Noocyada garaaca wadnaha oo khaldama

Noocyadaan waxaa lagu saleeyaa  saddex qodob.

  • Heerka (garaaca ma gaabinayaa mise wuu dhakhsanayaa)

  • Khaladka meesha uu ka soo bilowdday (Ma atrium kaa mise ventricles ka)

  • Garaaca ma mid joogta ahbaa mise waa mid isdhaaf dhaafsan

Maareynta garaaca wadnaha oo khaldama

Waxaa jira noocyo badan, in badan oo kamid ah na waa kuwo aan dhib laheyn, arintaan waa mid soo marto qof kasta, inta badana ma ahan arin si fudud looga warhayo in qofku uu qabo iyo in kale. Waxaa arin caadi ah in wadnaha uu si dhaqsa ah u garaaco marka qofku uu sameynayo jimicsi. Orodyahana iyo Dadka sports ka ciyaara gaaraca wadnahoodu wuu ka yar yahay dadka kale, sababtoo ah wadnahoodu wuxuu si fudud ku tuuri karaa dhiiga.

Qaar ka mid ah noocyada garaaca wadnaha oo khaldama waa kuwo halis ah. Mareyntooduna waxey ku xiran tahay nooca iyo darnaanshaha khaladka. Hadii aad u maleyneysid inaad qabtid xaaladaan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad booqato dhakhtar, sababtoo ah noocyada khatarta ah waa kuwo inta badan la daweyn karo.

Aqoonkaab ,Caafimaad