Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Habab aad ku xoojin karto awood iyo firfircoonida Maskaxda

Habab aad ku xoojin karto awood iyo firfircoonida Maskaxda
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Maskaxdu sida xubnaha kale ee jidhka waxay u baahan tahay dhaqdhaqaaq iyo fikir iyo tababar si aanay u lumin qiimaha maskaxda , sidoo kale waxay  u baahan tahay nasasho iyo raaxo si ay u xoojiso shaqadeeda , hadaba maqaalkan waxaanu kaga hadli doonaa hababka ugu muhiimsan ee aad ku xoojin karto awooda iyo firfircoonida maskaxaada .

1.Waxyaabo cusub isku day : mar kasta oo aad bilowdo inaad qabato shay cusub waxay dhiirigelinaysaa maskaxda waxaanay kor u qaadaysaa awoodaada fahan ,waxyaabaha cusub waxay noqon karaan jimicsi cusub oo aad sameyso ama cunto aanad hore u cuni jirin  waxa muhiima waa inaad qabato wax hore aanad caado u lahayn..

2.Jimicsi Joogta ah : sida ay soo bandhigtay  cilmi baadhisyo badan jimicsigu waxa uu  xoojiyaa unugyada maskaxda ,waxaanay maskaxda ka caawisa inay samaysato unugyo cusub.

3.tababar  xasuustaada: marar badan waxaad maqasha dadka oo ka cabanaya illowshiiyo ku batay , ma jiro shakhsi ama digtoor dawayn kara illowshiiyaha , qof kasta isaga ayaa xoojin kara awoodiisa xasuuseed, ka bilow inaad xifidid lambarka teleefankaaga ,qayb aayado quraana ,xadiis sidaana joogtee hubaal xasuustaadu way kordhaysaa.

4.Dhinaca wanaagsan u feker : werwerka waxa uu hoos u dhigaa koritaanka unugyada maskaxda ,hadaba dhinaca wanaagsan oo aad u fekerto gaar ahaan marka aad ka fekereyso mustaqbalka , ilaahay oo aad talo saarato  kuna kalsoonaato waxay xoojinayaan awooda maskaxda .

5.cun cuno nadiif  ah : cuntada aad cunayso waxay saamayn ku leeyihiin shaqada maskaxda , 20 % cuntada aynu cuno waxa nuuga oo isticmaala maskaxda sidaasi daraaded ku dadaal cunida cunto nadiif ah

6.Akhri buugaagta : akhrisku waxa uu jidhka iyo maskaxdaba ka ilaaliyaa werwerka badan iyo dhiig karka , waxaanu siiya nasasho iyo jawi bedelasho ku saabsan buuga uu akhrinayo , qofka waxa uu helaya jawi la mid ah kan uu akhrinayo .

7.seexo hurdo kugu filan : hurdadu waxay maskaxda  u sahasha inuu cusboonaysiisto xubnihiisa , isla markaana tirtiro sunta.

8.yaree isticmaalka calculator (xisaabiye) : ku tababar maskaxdaada inay garato xisaabaha fudud , hana caadaysan isticmaalka xisaabiyaha kaas oo maskaxdaada la qabatin la samaynaya.

9.akhri qur’aanka: quraanku waxa uu muhiim u yahay maskaxda waxa uu siiya awood nafsiyadeed  waxa uu tirtiraa werwerka  sidaasi daraadeed wehel ka dhigo qu’aanka kariim ka ah .

10.asxaabtaada fikradaha la wadaag :  asxaabtaada oo aad fikradaha la wadaagto waa hab aad ku kordhin karto awood fikrad abuur ee aad leedahay waxaad helaysaa fikrado badan , waxaad curinaysaa fikrado badan.

XUQUUQDA :AQOONKAAB.COM

WAXA QOREY : MAXAMED MAXAMUD SARDHEEYE

E-MAIL : info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.