Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Habab Dabeeci ah oo aad ku ilaalin karto caafimaadka Wadnaha

Habab Dabeeci ah oo aad ku ilaalin karto caafimaadka Wadnaha
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

caafimaad qabta wadnuhu waa xubinta ugu muhiimsan ee ku damaanad qaadaya nolol caafimaad qabta ,haddi aad ilaaliso caafimaadka wadnaha hubaal noloshan waad ku raaxeysanaysaa .shaki kuma jiro in sanadan dambe aad u bateen xanuunada wadnaha kuwaas oo haleela yar iyo waynba . sidaasi daraadeed waxa muhiima in lagu baraarugsanaado ilaalinta wadnaha ,lagana fogaado wax kasta oo sababi kara xanuunada wadnaha haleela , qoraalkan waxaynu ku eegaynaa habab dabiici ah oo aad ku ilaalin karto caafimaad ka wadnaha

1.cunida khudaarta :cun  cunitaanka khudradaha midabada leh  , cunooyinka qaniga ku ah fiitamiinada , sabiisha , cinabka

2. samee jimcsi  :  yareynta miisaanka saaidka ku ah jidhka waa hababka ugu fiican ee lagu ilaalin karo caafimadka wadnaha sidoo kale jimicsigu waxa uu yareeya xadiga duxda ee jidhka waxaanu hoos u dhigaa dhiig karka ,sidoo kale waxa uu ka hortagaa faalijka

3. ka fogoow qaadashada dawooyin xad dhaaf ah :cilmi baadhis badan oo la sameeyey aya sugtay in daawooyinka sida xad dhaafka ah loo qaato ay daciifiso awooda difaac ee wadnuhu isaga celin karo xanuunada .khabiiro badan ayaa werwer ka muujinaya dadka ku tiirsan dawooyinka joogtada ah kuwaas oo u malaynaya inay ka helayaan caafimaad taam ah .

4: Jooji werwerka : cilmi baadhis badan ayaa sugtay in dareenada togan sida cadhada iyo korodhka werwerka ay khataro balaadhan  ku hayaan wadnaha , dadka sida joogtada ah u werwera waxay halis ugu jiraan xanuunka faaliga . sidaasi daraadeed waxa haboon in qofku barto hababka werwerka badan looga takhaluso

.5. Farxad iyo dhoolacadayn : dhoolacadayn tu iyo farxadu waa hababka ugu fiican ee lagu daawayn karo qaar ka mida xanuunada wadnaha , sidoo kale dadka farxada u saaxiibka ah waxa yar furasadaha uu ku haleeli karo xanuunada wadnaha .

6. shaaha : shaahu waxa uu ka kooban yahay maadooyinka ka hortaga sunta waxaanu ka qayb qaata ilaalinta halbowlayaasha wadnaha lifaaqan hoose ka akhri faaidooyinka kale ee shaaha

7. Afaakaadho : afaakadhadu waxay ka kooban tahay miiqyo milmi kara sidoo kale waxay ka kooban tahay maadooyinka nuuga duxda .

Xuquuqda :aqoonkaab.com

waxa Qorey : maxamed maxamud sardheeye



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


One thought on “Habab Dabeeci ah oo aad ku ilaalin karto caafimaadka Wadnaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.