Follow
X
Follow
waa muhiin inaad waqtigaaga nidaamiso bisha barakaysan ee ramadan. guud ahaan markaad arrin qabanayso waxa jira afar waxyaalood oo ay tahay inaad sii ogaato . 1. tamarta aad haysato 2. waqtiga kuu bannaan 3, mudnaanta 4. iyo howlaha dabiiciga ah . bisha ramadan guud ahaaan waxa kordha cibaadada dadka oo dhana waxay u tartamaan siday ugu dhawaan lahaayeen ilaahay iyaga oo la imanaya salaad iyo soon badan sidaasi daraadeed bisha ramadan gebi ahaan ba way ka duwan tahay bilaha kale .
inta badan ma heshid waqti aad shaqo ku qabatid gelinka dambe maxaa yeeley dadka oo dhami waxay u diyaar garoobayaan afurka sidoo kale ma haysatid tamar kugu filan oo aad shaqo ku qabatid ,sidaasi daraadeed waxa haboon inaad gelinka hore dhamaysatid howlahaaga shaqo oo idil .
sidaasi daraadeed waxaad u baahan tahay inaad barato habka aad u maareyn lahayd waqtigaaga si aad u gaadho u jeedooyinkaada maalinlaha ah.
habka aad u maareyn lahayd waqtigaaga bisha ramadaanka
-
suxuur (السحور)
suxooro oo cun cuno nafaqo siinaysa jidhkaaga si ay kuugu suuro gasho inaad cibaadada gudato sida quraan akhriska ,salaadaha iwn .
-
salaadda subax
raga waxa u fadli badan inay aadaan masaajidka dumarkana waxa u fadli badan inay guryahooda ku tukadaan , inta badan suxuurta iyo salaada subax waxa u dhexeeya illaa 30 daqiiqo waxana kuu fadli badan inaad quraan akhrisato ama ducaysato waqtigaa .
-
salaada maqrib
Afur oo weliba afurada dedeji ka dib tuko oo cibaadayso
-
salaadda taraawiixda
waxa aad u fadli badan inaad salaada taraawiixda ku tukato masaaajidka .
-
Ictikaaf
isku day inaad waqtigaaga u gaar yeeshid cibaadada alle toban ramadan ee dambe maxaa yeelay waa dariiqada ugu wanaagsan ee aad ilaahay ugu dhawaan lahayd .
-
hurdada