Search
Monday 12 November 2018
  • :
  • :

Habkee u dooranaysaa kulliyada aad jaamacadda ka gelaysid ?

Habkee u dooranaysaa kulliyada aad jaamacadda ka gelaysid ?
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Hordhac:

soo noqod majiro shalay wixii saarufoo tegaye, waxa saadameetiyo berina waa su’aal maqane, waxay taladu kuu suubantahay subaxaad joogtaaye. Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc.
DR Tony Campolo oo ahaa bare jaamacadeed ayaa daraasad ku sameeyey 50 qof oo da’doodu kor u dhaafayso 90 sano oo rag iyo dumar isugu jira,wuxuuna waayeelkaas weydiiyey hal su’aal oo isku mid ah oo ah ‘’Haddii noloshaada dib loo celin lahaa,maxaad ka bedelilahayd?’’. Waa su’aal furan oo jawaabteedu kala duwanaan karto.Balse jawaabtoodu waxay ku biyo shubatay si isku mid ah oo ah inay ka shallaayeen in sidii ay u fekerayeen yaraantoodii aysan ahayn mid u hagtay dhanka himilooyinkii ay lahaayeen.kafiirsasha la’aantoodii shalayna dhaxal siisay inay gaari waayaan himilooyinkoodii.
Arday badan oo soomaaliyeed ayaa sannad kasta ka qalin jebiyaa Dugsiyada sare ee dalka kuna biira jaamacadaha dalka ,halka qayb kalana u baqoolaan dalka dibediisa si ay jaamacado ugalaan oo wax u soo bartaan.
Haddaba waxaa jirta caqabad ay ka simanyihiin Ardayda gudaha wax kubarata iyo kuwa dibedda aada. Taas oo ah say u dooran lahaayeen kulliyadii ay jaamacadda geli lahaayeen. Waayo waxaa dhacaya is bedel oo Ardaygu wuxuu kagudbayaa marxalad dugsi sare wuxuuna u gudbayaa heer jaamacadeed.
Ma aha dhibaato u gaar ah Ardayda soomaaliyeed balse waa mid haysata Arday badan oo daafaha dunida ku kala sugan .Tusaale ahaan Daraasad ay samaysay Jaamacadda Boqor fahad Bin Abdulaziz ee dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in 65% Ardayda kasoo baxa dugsiyada sare ay caqabad weyn ka haysato say u dooran laheeyeen kulliyaddii ay jaamacadda geli lahaayeen, sidoo kale daraasadaas ayaa xustay in 50% ardaydu ay bedelaan kulliyadii ay horay u doorteen inta lagu jiro sannad ka kowaad ee ay jaamacadda dhiganayaan. kuwana ayba iskaga hadheen waxbarashada. Halka 66% ardaydu aysan iskooladooda ka helin intay dhiganayaan wax macluumaad ah oo kusaabsan takhasuska ay jaamacadda geli doonaan .
Daraasadda ayaa sabab uga dhigtay dhibta uu ardaygu kamarayo kulliyadda uu dooranayo inay sabab utahay Ardayda oo aan wax xog ah ka haysan kulliyadda uu geliyo inay tahay mid uu ka bixikaro Aqoon ahaan iyo dhaqaalo ahaan .
Daraasad kale oo lagu waraysatay 100 ArdayJaamacadeed , ayaa lagu weydiiyey waqtiga ay doorteen kulliyada ay dhiganayaan jaamacadda waxay na ku jawaabeen sidatan:
24% waxaan dooranay takhasuskayaga ka hor natiijada imtixaanka fasalka Afraad ee dugsiga sare, 63% kadib natiijadii imtixaankii fasalka Afraad ee dugsiga sare, 13% weliba inaysan dooran kulliyadii ay si rasmi ah u baran lahaayeen .
Haddaba si aad u samayso doorasho xikmadaysan, waxaa muhiim ah ah inaad is waydiiso sadexdan su’aalood isla markaana aad uga jawaabto si daacad ah adigoon naftaada khiyaamaynayn.
• Awood ma u leeyahay inaan barto Kulliyada aan doortay ?
• Ma jecelahay inaan barto kulliyadaas ?
• Ma ku helayaa fursad shaqo markaan dhamaysto kulliyadaan haddii Eebe idmo ?
Haddaba jawaabaha su’aalahaas saddexdaa aan uga jawaabo si kooban
Awood ma u leedahay barashada kulliyadda aad ku takhasusayso?
Awoodu way noocyo badantahay waxay noqon kartaa Awood aqooneed oo kuu sahlaysa barashada kulliyada. Tusaale ahaan haddaad doonaysid inaad Caafimaadka barato oo aanad kufiicnayn maadooyinka Biology iyo Chemistry,ayna kugu adagtahay Luuqada ay ku baxayso ,aadana kala garanayn kulliyaddu ma xifdi bay ubaahantahay mise fahan.Taas micnaheedu waa kama miro dhalin kartid dhigashada takhasuskaas.
Sidoo kale awoodu waxay noqon kartaa inaad iska bixin karto dhaqaale ahaan . Tusaale ahaan haddii maadada aad doonayso aan laga helayn waddanka aad ku nooshahay waxaad u baahan tahay dhaqaale ku gaarsiiya meesha laga heli karo kulliyaddda aad jeceshahay .oo horay soomaali u tiri ‘’nin ba taagtii ayuu talaabsadaa’’.
Ma jeceshahay inaad barato takhasuskaaga?
Iska waafaji fikirkaaga iyo ficilkaaga ,Takhasuska aad baranaysid waxaa suurtagala inuu noqdo mid kula xiriira noloshaada oo dhan oo hadba aad heer uga gudubta diploma ilaa PHD.Tusaale: waxad jeceshahay inaad noqatid shiikh caalim ah markaas waa inaa barataa shareecada islaamka saad uga miro dhaliso hadafkaaga.
Ma ku helayaa fursado shaqo?
Barashada culuumta aan diiniga ahayn inta badan ujeedada loo bartaa waa in lagu shaqayso.Maaddada aad baranaysaa waa xirfadii aad mustaqbalka ku shaqaysan lahayd ood
yagleelayso. Sidaa daraadeed waa inaad odorosto furaska shaqo ee aad ku heli karto mustaqbalka maadadan, iyo sida ay wadankaaga ku tahay. Dr Darik Suwaydaan baa wuxuu yidhi “wiil reer Kuwait ah baa wuxuu soo bartay engineerinka kaymaha “forestry engineering”, Kuwait-na ma laha haba yaraatee wax kayn ah. Waa saxare .”.
Dhinaca kale cilmi kasta oo aad barataa ogow maalin uun baad u aayaysaa oo faaido ku helaysaa .Cilmi aad barataana khasaaro magalo .Tusaale ahaan dalka maraykanka daraasad lagu sameeyey 3 kun oo qof oo baratay culuumta Sayniska iyo Artska ayaa lagu ogaaday 70% shaqada ay ka shaqeeyaan iyo cilmiga ay barteen inay kala duwanyihiin.Tusaale kale waxaan kuu siin karaa anigu waxaan bartay kulliyadda Community development shaqada aan ka shaqeeyana waxay la xiriirtaa qaanuunka. Murti carbeed baa oranaysa ‘’wixii aad barato maalin baad u ay-daa ee jaahilnimo baan wax kuu tarin’’. Balse aday kugu xirantahay saad ula fal gashid Suuqa shaqada oo qado bilaash ah majidho dunida.
Talo soo jeedin Ardayda,Waalidiinta iyo Bahda waxbarashada.
‘’Talaa laga dilmaa shay kalaa lagu dawoobaaye’’. Gabay soomaaliyeed
1. Culayska saar inta aadan takhasus dooran sidii aad marka hore xog buuxda uga heli lahay kulliyadda aad gelayso haday tahay dhinacyada luuqada ay kubaxayso,dhaqaalahay ubaahantahay inay kugu adagtahay ama kuu fududahay , saysan kuugu dhicin sannad ama labo sano markaad wadid inaad kabaxdid kulliyadaas oo uu kaa dhumo waqti maal iyo dadaal oo xaaladu yey kugu noqan ‘’Geedkii degdeg loo koro degdeg baa looga degaa’’.
2. Kulliyadda aad dooranaysid ha ahaato mid adiga rabitaankaaga katimi ka digtoonow laab la kaca iyo saaxiibkay baa barta kulliyadaas oo anna waan baranayaa.
3. Ardayda waxaan kula talin lahaa inay heerka kowaad ee jaamacadda Degree/Bachelar ku qaataan dalka gudihiisa waayo wuxuu helayaa fursad uu waxna kubarto kuna shaqaysto khibrad shaqo na ku helo intuu waxbaranayo.
4. Waalidka Aqoonta leh waa inuu talo siiyaa ilmihiisa waqtiga uu ku jiro dugsiga sare,mana aha inay ku khasbaan kulliyad uusan ardaygu rabin balse waa in waalidku ogaadaana maadooyinka ilmihiisu ku fiicanyahay oo uu jecelyahay si uu mustaqbalka ugu diyaariyo kulliyadii uu dhigan doono.
5. Waalidiintu waa inaysan caruurtooda oo da’doodu yartay kula degdegin inay jaamacad dibeda ah u diraan ,waayo ardaygu wuxuu u tegayaa bulsha ka duwan diin ahaan ,dhaqan ahaan taas oo suurta gelin karta inuu ilmuhu ku dhex milmo bulshadaas maadaama uusan lahayn waayo aragnimo uu isku xakameeyo.
6. Iskoolada gaar ahaan heerka dugsiga sare markuu ardaygu soo gaaro macallimiintu waa inay sameeyaan qiimayn ah inay ogaadaan arday kasta maadooyinkuu ku fiicanayahay oo uu mustaqbalka ku takhasusi karo heerkiisa jaamcada.
Jaamacaduhu waa inay sameeyaan latalin iyo wacyi gelin (Pre-University Orientation) inta uu san ardaygu kulliyadda dooran , waa inay eegaan kulliyadda
1. ardaygu rabo inay maadooyinka muhiimka u ah kulliyadaas dhibco sare uu ka haysto.maaha inay eegaan celceliska guud oo uu haysto .Tusaale ahaan hadduu Ardaygu rabo Engineering waa in la eegaa darajooyinka uu ka haysto maadooyinka xisaabta iyo fiisigiska ee maaha in ladhaho celcelis guud (Average) wuxuu haystaa ardaydu 90%iyo wax lamid ah .
2. Ardaygu waa inuu Talo saarto Eebe jalla wacalaa uuna tukado salaada istikhaarada waqtiga aad kulliyada dooranayo si Eebe towfiiqda u waafajiyo ,sameeyaanaa la talashi aad ubadan iskuna kalsoonaadaa.
3. Ugu damayn dhalinyarada hada jaamacadaha gelaysa waxaan kula talin lahaa inay bartaan culuumta farsamada gacanta ‘’Vocational skills’’ oo ah waxa loogu baahi badan yahay dalkeena maantay shaqadeeduna joogto tahay .Waayo qofkii xirfad leh dadnimona u dheertahay wuxuu ka badbaadaa saboolnimo iyo tuugsi aadane.
Gabagabo
Ugu damayntii ‘’Ninna Maankiisa Ma Saluugo’’. Fekero kala duwan ayaa ku hardama maanka qofka , waxaana guulaysta hadba fekerka aad dhegaysato oo barbaariso.Go’aan aad ka fiirsato oo aad qaadato waqti munaasib ah ayaa noqan karo wadada aad ku gaadho hiigsigaaga adduun iyo kan Aakhiraba.
Allaah Towfiiqda ha ina waafajiyo Dhammaanteen.
W/Q: Abdirisak Jaaruqo
Email: Jaaruqo05@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published.