Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Hal abuurnimada mobilada smarphoneska oo hoos u dhac ku yimi

Hal abuurnimada mobilada smarphoneska oo hoos u dhac ku yimi
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

caanimada mobilada loo yaqaaan smart phones ayaa weli koraya, sanadki 2015 ayaa ahaa sanadki ugu badnaa ee la iibiyo mobiladan smartphoneska , in kasta oo weli mobilada ay soo saaraan shirkadaha samsung iyo apple ay yihiin kuwa ugu badan ee dunida laga isticmaalo , isticmaalkooduna waxa uu u dhigmaa 40% dunida oo dhan , halka 60% kale ee soo hadhay ay qaybsanayaan shirkadaha tirada badan ee soo saara mobilada smartphoneska.

fikrada smartphoneska waxay ahaydeen dhowr sano , sanadihii u dambeeyey waxa lagu sameeyey isbedelo badan , smarphones ku waxay noqdeen wax aanay cidina ka maarmi karayn  maadaama isticmaalayaashu aad u jecelyihiin kuna raaxaystaan isticmaalkooda . waxyaabaha ay dadku ku jecelyihiin smartphoneska waxa ka mida miisaanka ay leeyihiin oo aad u fudud, qiimihiisa oo marba marka ka dambeeya hoos u dhacay iyo technolojiyad sarreysa oo uu ku shaqaynayo .

maadaama sababaha dadku u xiiseynayaan smartphones ay tahay  isbedelada hormar ee kolba lagu samaynayo ,hadda halabuurida smartphoneska waxa soo foodsaartay hoos u dhac wayn , taas oo macnaheedu tahay in hoos u dhac ku yimi hormarki dhinaca technolojiyada ee lagu soo kordhinayay smartphoneska .

waxa jira dad badan oo iyagu raadinaya moobilo smartphoneska ah oo weli ka casrisan kuwa hadda la isticmaalo

moobilada hadda ugu caansan waxa ka mida Sumsung galaxy s6 , iphone 6 iyo nexus 6p.

laakiin taa macnaheedu maaha in hal abuurnimada smarphones ka uu gabi ahaan ba istaagay , dadku waxay isku dayi doonaan inay waxyaabo cusub ku soo kordhiyaan smarphoneska . mobilka sumsung galaxy s6 ayaa hadda ah ka waxyaabo  badan lagu soo kordhiyey waxaana ugu wayn muraayada moobilkasi oo soo xoodan sida sawirka hoose ka muuqata

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.