Search
Wednesday 16 January 2019
  • :
  • :

Hypothyroidism-Cudur Haweenka Soomaalida Ku Badan

Hypothyroidism-Cudur Haweenka Soomaalida Ku Badan
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tuunbada hawa mareenka qeybteeda kore , waxaana uu soo daayaa hormoono wax ku ool u ah shaqada jirka, sida kuwa kontoroola habka loo yaqaano metabolism (habka burburinta ama dhisida nafaqada taasoo jirku u isticmaalo tamar ahaan). Waxaa kale oo ay maamulaanama kontoroolaan shaqooyin kale oo aad u tira badan sida, neefsashada, garaaca wadnaha, neerfayaasha maskaxda iyo xungulaha, miisaanka jirka, awooda murqaha, heer kulka jira iyo cadadka k olesterolka. Marka ay yaraato soo deynta hormoonada laga soo daayo qanjirkaan waxaa ay saamayn balaaran ku yeeshaan dhamaan shaqadii ay qaybta ka ahaayeen.

Dumarka gaar ahaan kuwooda da’da weyn ayuu ugu badan yahay xanuunkaan. Inta badan ma sababa wax calaamad ah markuu bilowga yahay. Balse hadii aan la daweyn waxuu keenayaa calaamado ama cilado hor leh sida cayil xad dhaafa, kalagowsyo xanuun, dhalmo la’aan iyo xanuuno saamayn ku yeesha wadnaha.

WAA MAXAY CILLADAHA KU DHACDA QANJIDHKA DHUUNTA EE THYROID GLAND?

Cilladaha qanjidhka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjidhkani uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno hadda ee loo yaqaanno “Hypothyroidism” iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasna loo yaqaano Kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka, Luuqadda Ingiriisidana loogu yeedho “Hyperthyroidism”. Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin.

WAA MAXAY HOWLGABKA QANJIDHKA THYROID-KA (Hypothryoidism)?

Howl-gabka qanjidhka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jidhka ku filan uu qanjidhkani soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqda astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkan. Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjidhka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da’ dhaxaadka ah, dumarkeenna Soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa dhakhaatiirtu si dhakhso ah uguma baraarugaan, maadaama calaamadaha la dareemaa ay u ekaan karaan cudurro kale. Haddii qofka xanuunkan qabaa aan la garanin, ma bogsado oo sheegashadiisa ayaa badata.

WAA MAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO HOWL GABKA QANJIDHKA Thyroid-Ka?

Calaamadaha la dareemaa waxay ku xidhan tahay heerka uu marayo xanuunkaagu, haddii uu xanuunkani uu muddo ku hayay waxaad dareemaysaa calaamado ka duwan marka uu kugu cusub yahay.

CALAAMADAHA LA DAREEMO WAXAA UGU HORREEYA
Calaamadaha xanuunkaan waxay ku xiranyihiin intuu le eg yahay cilada haysata soo saarid la’aanta hormoonada ee qanjirkaan lkn inta badan waxa lagu arkaa:

1- Waxaa dhacda in bilowgaba la dareemo daal saa’id ah (maskixiyan iyo jismiyan)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajisku aad kuugu bato.
3- Calool-istaag
4- Miisaankaaga oo kordha adigoo aan cunin cunto badan
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaagu noqdaan kuwo sidii buufimada bararay, dadkuna u maleeyaan in aad naaxday.
6- Codka Oo Xabeeb Yeesha
7- Murqo Xanuun Iyo Tabardarri Aadan Si Sahlan Fadhiga Uga Istaagi Karin Illaa Inaad Wax Qabsato Ama Aad Afarta Ku Kacdo Mooyee.
8- Is Goysyada Xaglaha oo xanuun ama barar aad ka dareento
9- Caadada oo kaa wareerta ama siyaado noqoto socodkeedu.
10- Timaha oo khafiif noqda ama inay kaa googo’ayaan aad dareento
11- Maqaarka jidhkaaga oo cawlaan noqda ama qallayl noqda
12- Xasuusta oo yaraata iyo heerka cholesterolka oo sare u kaca.
13- Qanjidhka oo soo kuusma ama barara, qofkane uu dareemo in dhuunta laga
Cadaadinayo (xanuun-ka howlgabka qanjirkani qasab uma aha in qanjidhku uu bararo).
Haddii aan la daaweyn, calaamadahan way ka sii dareen oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karta inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heer-kulka jidhkaaguna uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma “suuxdin” gashid.
Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkani calaamadaha laga dareemaana way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: Indhaha iyo maqaarka oo Midab Hurdi ah noqda sida Jooniska (Cagaarshaw) oo kale, saxasho markuu naaska nuugayo, carrab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo barara, markuu xanuunkani ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la’aan iyo hurdo siyaado ah. Haddii si dhakhso ah looga gaadhi waayo, xanuunkan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa. Badanaa hooyooyinka qaba xanuunka kacsanaanta qanjidhka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanaya, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjidhkooda uu howlgabo daawada hoyadood ay qaadanaysay darteed.

MAXAA KEENA HOWL- GABKA QANJIDHKA Thyroid-Ka?

Howlgabka qanjidhka thyroidka waxaa keena:
1- Difaaca jirka oo si qaldan u weerara unugyada uu ka samaysan yahay thyroidka kasoo burburiya ama dhaawaca ugu danbeyna sababa in aan la soo deyn hormoono lamid xadi ah kuwii horey loosoo dayn jirey.
2- Caabuq ku dhaca qanjidhka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka
3- In qof qabay kacsanaan qanjidhka thyroid ka ah la siiyay daawo dajinaysa oo badan taasoo keentay in qanjidhkii uu howlgabo
4- In qofka uu ku yaryahay jidhkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano “Iodine”.
5- Qanjidh kale oo maskaxda ku yaalla loona yaqaanno “Pituitary” shaqadiisuna ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarna siiyo qanjidhkan thyroidka oo cilladaysan.
6- In qanjidhka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed.
7- Daawooyinka lagu daweeyo hyperthyroidism ( marxalad lasoo daayo hormoono aad u tira badan xadi ahaan)
8- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjidhkaani shaqadiisu waa ay yaraataa.
9- Midda ugu dambaysaa waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii
10- dhamaantood waa sababayaal uu lee yahay xanuunkaan, waxaa kaloo jira in dadka qaarkiis ku dhashaan iyo in sidoo kale dumarka uurka leh ay la kulmaan marxaladaanba.

hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada “Iodine” ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.

SIDEE LAGU OGAAN KARAA IN AAN XANUUNKAA QABO ?

Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba.

HADDII AAN QAO HOWLGABKA QANJIDHKAA Thyroid-Ka, DAAWO MA LEEYAHAY ?

Hadii aan la daweyn xanuunkaan waxuu sababayaa cilado kale oo hor leh, sida cuna bacuuc, wadna xanuun iyo xasuusta ama fahamka oo luma. Waxaana lagama maarmaan ah in la daweeyo markii la ogaado inuu bukaanku lee yahay xanuunkaan.

Waa wax aad u sahlan in la daweeyo waxaa la siyaa kaniin baddala hormoonka maqan, daawadaasi oo loo yaqaanno “Thyroxine” oo hal kaniin la qaato maalin kasta si joogto ah.

TALO:

hadaad isku aragto wax la xariira calaamadaha xanuunkaan la xariir dhakhtar, kana fogow inaad daawo iska gadato iyadoon dhakhtar kuu qorin.

QWkb

No automatic alt text available.
Image may contain: one or more people
 Diyaariye:Mustafe Saleebaan Xasan