Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Isticmaalka Barnaamijka Instagram oo kordhay

Isticmaalka Barnaamijka Instagram oo kordhay
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Barnaamijka instagram waa barnaamij lagu wadaago sawirada iyo muuqaalada kooban gaar dadka isticmaala moobilada ku shaqeeya android iy iOS , barnaamijkan waxa lasoo saaray sanadkii 2010 , waxaanu markiiba si dhakhso ah u helay isticmaalayaan badan taas oo sababtay in sanadkii 2011 lasoo geliyo 150 milyan oo sawir .
isticmaalayshiisuna gaadheen illaa 10 milyan oo isticmaale guud ahaan .

sanadkii 2012 barnaamijka instagram waxa iibsaday shirkadda facebook , waxaanay ku iibsadeen qiimo dhan 10 bilyan oo doolar , intaas wixii ka dameeyey barnaamijkani waxa uu ku jirey koboc joogta .

Hadaba aasaasaha facebook isla markaana iska leh adeegan instagram ee mark zuckerberg waxa uu shaaca ka qaaday in bil kasta instagramka ay isticmaalaan dad gaadhaya ilaa 500 milyan , halka 300 milyan isticmaalena maalin kast isticmaalaan istagramka , waxa kale oo uu sheegey in laban laabmeen dadka isticmaalaya instagramka labadii sano ee u dambeeyey .
Halkan ka akhri qoraalka aasaasaha facebook kaas oo uu ku baahiyey bartiisa facebook

Aqoonkaab Technology



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .