Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Isticmaalka Barnaamika Whatsapp oo laga Joojinayo moobilo badan !!

Isticmaalka Barnaamika Whatsapp oo laga Joojinayo  moobilo badan !!
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Whatsapp waxa uu joojin doonaa in laga isticmaalo mobilo dhowra oo ay ka mid yihiin moobilkii caanka ahaa ee BLACKBERRY  10 iyo Nokia Symbian S60  iyo windows phone 7.1 .

shirkadda whatsapp waxa ay sheegtey  inay  diirada saarayso hormarinta moobilada casriga ah ee hadda dunidan aad looga isticmaalo .

shirkadda ay leedahay facebook ee whatsapp  hadda waxa isticmaala Hal (1) bilyan oo isticmaale dunida oo dhan waxa uu joojin doona in laga isticmaalo barnaamjikisa mobilada kor ku xusan bisha 12 aad ee sanadkan 2016.

moobilada uu whatsapp khadka ka saarayo waa moobilo aan in badan la cusboonaysiin (UPDATE ) isla markaana aan ku shaqayn nidaamyada cusub ee hadda dunida aad looga isticmaalo .

laakiin whatsapp waxa uu ku shaqayn doona moobilka Blackberry   noociisa oo dambeeya ee ku shaqeeya nidaamka loo yaqaan Android  .

moobilka blackberry waxa uu ku guul darraystey inuu la tartamo mobilada casriga ee smartphones haddana waxa laga isticmaala 1 %  dunida oo dhan

waa kuwan liiska dhamaan moobilada laga joojin doono isticmaalka whatsapp

  • Android 2.1 and Android 2.2
  • Blackberry OS 7 and earlier
  • Blackberry 10
  • Nokia S40
  • Nokia Symbian S60
  • Windows Phone 7.1

markii la bilaabay adeega whatsapp sanad kii 2009 waxa dunida xoog u haystay moobilada Blackberry iyo Nokia kuwaas oo isticmaalkooda dunida ka ahaa  70 % .

laakiin hadda moobilada ku shaqeeya nidaamyada ay soo saaraan shirkadaha MICROSOFT, GOOGLE, APPLE

 ayaa dunidan aad looga isticmaala , isticmaalkooduna waxa uu u dhigmaa 99.5 % ,  waana sababta keentay in whatsapp uu doorbido inuu diirada saaro moobilada ku shaqeeya nidaamyada ay soo saaraan shirkadahani .

Aqoonkaab Tech

waxa qorey : maxamed maxamud sardheeye

.

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.