Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

isticmaalka windows 10 oo maanta si rasmi ah u bilaabmaya

isticmaalka windows 10 oo maanta si rasmi ah u bilaabmaya
Follow
( 1806 Followers )
X

Follow

E-mail : *

maanta oo ay  taariikhdu tahay 29-july-2015 waxa si rasmi ah shirkadda microsoft  u bilaabaysaa isticmaalka windowska cusub  ee windows 10, ka dib windowsyadii aan aadka  loo jeclaan ee windows 8 iyo windows  8.1 shirkadda microsoft waxay sheegeysa in windows 10ku uu noqon doono kii abid ugu wanaagsana ee shirkadaasi dadweynaha adduunka usoo bandhigto , sidoo kale windows 10 waa windows kii u dambeeyey ee microsoft soo saarto .

windows 10 waxa tijaabiyey in ka badan 5 milyan oo isticmaale ka dib markii ay isticmaaleen windows 10 preview kaas oo loogu talo galay keliya tijaabo , inta badan dadkii tijaabiyey aad ayey u amaaneen windowskan cusub

sida muuqata windows 10 wuu ka fudud yahay dhamaan windowsyaddii hore sidoo kale waxa lagu soo daray barnaamijyo cusub.

dadka isticmaala windows 7, 8, 8.1 waxay samayn karaan upgrading kaas oo u suurto gelinaya inay si dhakhso ah ugu wareegaan windows 10 iyaga oo aan masixin(format garayn  ) computeradooda  laakin waa haddi ay sameeyaan  reserve  oo ah notification loo direy dadka isticmaala windowsyada 7,8,8.1  oo laga xaqiijin karo dalabka windows 10  sida ka muuqata sawirka hoose reser

haddi aad hore reserve uga samaystay windows 10 keliya waxaad u baahan tahay internet xoogan oo awood uleh inuu soo dejin karo faylasha windowska kuwaasoo ka badan 3 gb .

maxaa ku cusub windows 10

windows 10 waxa loo sameeyey start menu  taas oo aanay lahayn windows 8 kii ka horreeyey noqotayna eeddi ugu badnayd ee loo jeediyey windows 8 .

startmenu

sidoo kale windows 10 waxa laga saarey browserkii internet explorer kaas oo awoodi waayey inuu la tartamo browserada dhigiisa ah oo ugu wayn yahay google chrome ,browserka cusub ee windows 10 oo loo bixiyey microsof edge waa mid aad fudud waxaana muuqata inuu kaafin karo dadka isticmaala windows 10 .

sawirkan hoose waa browserka cusub ee microsoft edge oo laga booqday shabakadan aqoonkaab

wwwwwww

windows 10 waxa lagu soo daray tasl view oo ah meel aad ka eegi karto daaqadaha kuu furan ee aad isticmaalayso kaas oo kuu sahlaya inaad si fudud kolba daaqad ugu wareegto

waxaa xusid mudan in windows 10 loo isticmaali karo dhamaan computerada ,laptopyada ,ipadada iyo mobilada

windows-10-phones-970-80

dhowaan shabadakan aqoonkaab waxaad ka heli doontaan download windows 10

xuquuqda :aqoonkaab.com

emailka :info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.