Search
Tuesday 11 December 2018
  • :
  • :

Jimicsiga oo la xaqiijiyey inuu ka hortago cuduro badan

Jimicsiga oo la xaqiijiyey inuu ka hortago cuduro badan
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Dadka jimicsiga badiya ayaa la xaqiijiyay in ay ka badbaadi karaan cuduro badan oo nolosha qofka halis ku ah.
Jimicsiga ayaa la sheegay in uu yareeyo khatarta Kansarka iyo Kolestaroolka(Duxda). Daraasad laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in  badan oo la jimicsadaa ay  kaa sii dheeraynayso cuduro badan.
Warbxinta ayaa intaasi ku dartay, hadii qofka qaba Kansarka uu badiyo jimicsiga ay xitaa yartahay suurtagalnimda ah in cudurkaasi uu sii faafo.

Cilmibaarayaal ka socday Jaamacadda Vermont ayaa horay u caddeeyay in nooc kastaa oo jimici ah uu yareeyo kansarka, cudurada neef mareenada ku dhaca iyo kuwa maskaxda haleela.
Xarunta daraasaadka Kansarka ee UK ayaa sheegay in ay baarayaan xiriirka ka dhexeeya jimicsiga iyo khatarka kansarka. Waxaa ay sheegeen in ay aaminsanaayihiin in jimicsigu uuba mararka qaar noqon karo daawada Kansar. Waxaa ay intaasi sii raaciyeen hadii maladoodu ay waafaqso natiijada daraasaddooda ay noqon doonto farxad u soo hoyatay dadka qaba Kansarka iyo kuwa khatarta ugu jira.

Jimicsiga ama aalamiitada ayaa waddamada reer galbeedka looga arkaa inuu yahay fal caafimaad, waxaana qof kastaa lagu waajib yeelay inuu maalin kastaa uu sameeyo nooc jimicsi ah.

Aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .