Search
Friday 24 May 2019
  • :
  • :

Joonis Cadka ( Hepatitis B )

Joonis Cadka ( Hepatitis B )
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

 

1.0 Hepatitis B waa xanuunka ay soomalidu u taqaan [ joonis cadka amaba cagaarshowga]. Waxa keena virus loo yaqaan Hepatitis B Virus [HBV]. Virus kani waxa uu weeraraa beerka kuna keena caabuq amaba infection.
1.1 sidee ayuu caam u yahay xanuunkani?
Waxa lugu qiyaasaa in ka badan 275 million oo qof inay qabaan xanuunkan kuwaas oo ku kala nool daafaha dunida. Cudurkani waxa uu inta badan ku badan yahay dadyawga ku nool wadamo badan oo ka mid ah Afrika ah , Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.
1.2 sidee layskugu gudbiyaa xanuunkan:

iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
2. Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
3. In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka.

sexual contact

waxa dhici karta in ay hooyadu u gudbiso ilmaha caloosha ku jira iyada oo u dhex marinaysa madheerta.

1.3 calaamadaha cudurkan :

muruqyo xanuun

indhaha iyo maqaarka jidhka oo huruud noqda.

xumad

beerka oo danqada[ xanuuna]

matag iyo yalaalugo

miisaanka oo is dhima

1.4 xanuunada kale ee uu keeni karro haddi aan la daawayn

liver cancer: kansarka beerka bukaanada qaba xanuunkani waxay aad ugu nuqulyihiin in uu ku dhaco kansarka beerku.

liver failure : beerka oo shaqadii allah u abuuray joojiya haddi ay dhacdo xaaladani waxa laga maarmaan ah in laga badalo bukaanka beerka.

kidney disease: mararka qaar waxa dhacda bukaanada qaba in badan xanuunkan in ay kalyuhu xanuunaan amaba ay fadhiistaan oo ay shaqadii loogu talogalay joojiyaan.

1.5 sidee loo baadhaa xanuunkan

waxa jirta iyadoo oo si fudud loo baadho taas macnaheeedu waxa weeyo [Rapid method detection] iyadoo la isticmaalo waxaanad ku ogaan kartaa muddo 15 daqiiqo gudahood .

1.6 ma suurto gal baa in daawo la helo?
Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin xanuunkan . Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’ jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan xanuunkan aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.
1.7 talaal ma leeyahay xanuunkani?
Haa waxa jira talaal loogu talagalay xanuunkan . talaalkan waxa qaadan karra dadka aanuu wali asiibin xanuunkani si ay ugu noqoto ka hortag.
Talaalkan waxa la qaataa saddex mar oo kala duwan waxaanay kala yihiin

Bisha koowaad ayaad kaadatay

Bil ka bacdi ayaad qaadanaysaa

Saddex bilood kadib ayaad hadana qaadanaysaa talaalkii ugu danbeeyey

Intaas kadib waxa muhiim ah inaad samaysid dub u eegis caafimaad si aad u ogaatid in uu kuu shaqeeyey talaalkii iyo in kale

 Diyaariye:DR:Ciise Cabdi Jaamac