Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

ka digtoonow ! khataraha caafimaad ee saama-laylka (soo jeedka habeenki)

ka digtoonow ! khataraha caafimaad ee saama-laylka (soo jeedka habeenki)
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

waxa jira dad badan oo habeenka intiisa badan ku qaata soo jeed iyo saama layl ,hadaba soo jeedkasi muxu leeyahay faaido mise caafimad daro, maqaalkan ayaynu ku eegi doona saamaynta caafimaad ee soo jeedka habeenku leeyahay .

hurdadu waxay faaido caafimaad u leedahay shaqada xubnaha jidhka, caafimaadka jidhka iyo xaalada nafsiyeed ee qofka , marka uu qofka seexdo waxa yaraada dhaqdhaqaaqa xubnaha jidhka ,jidhkuna kama jawaabo saamaynta dabada kaga imanaysa.

culimadu caafimaadku waxay aaminsan yihiin in huradado xoojiso xasuusta qofka sidoo kalena ay muhiim u tahay nabadgelyada xubnaha jidhka.

sababaha keena soo jeedka habeenki dadku way ku kala duwan yihiin , waxana ka mida

1. shaqada habeenki.

2.werwer iyo deganaanso la’aan

3.cunitaanka ama cabitaanada sababa soo jeedka.

dadka shaqeeya habeenki iyo dadka aan helin waqti ku filan oo ay ku seexdaan waxa la soo derista lulo badan taas oo qofka u sheegeysa baahida hurdo ee jidhku qabo.

soo jeedka habeenkii iyo saamalaylku waxay khataro caafimaad ku yihin jidhka ,waxaanay saameeyaan caafimaadka,waxbarashada iyo habdhaqanka qofka.

soo jeedku waxa uu sababa xaalado caafimaad daro badan oo ay ka mid yihiin.

1.araga oo daciifa.
2.habdhiska difaaca oo daciifa.
3.muruqyada oo damqada.
4.lulo maalinle ah .
5.indhaha oo aan kalarada kala saari karin.
6.niyad jab.
7.hoos u dhac ku yimaada kartida iyo firfircoonada.
8.wareer iyo dawakhaad.
9.gacmaha oo gariira.
10.dhiig karka oo kor u kaca.
11.illawshiiyo badan.
12.lalabo.
13.fal-celid gaabis ah.
14.madax-xanuun.
15.halaaqyo joogto ah.

xanuunada uu sababi karo soo jeedku ama saamalaylku waxa ka mida:

macaanka: saama-layku wuxu saameeya habka uu jidhku u isticmaalo maalo glucose ta taas oo sababi karta xanuunka macaanka.
korid yaraan: dadka caadeystay soo jeedka waxa la derisa korid yaraan xaga jidhka ah waxaana sababa iyado ay yaraato soo daynta hoormanada koritaan ee jidhka taas oo saamayn xun ku le habdhiska dheeb shiidka iyo habdhiska difaaca.
awood la’aan: cilmi baadhis badan oo la sameeyey waxay muujinaysaa dadka caadeystey soo jeedka habeenki ay ka awood yar yihiin dadka iyagu seexda hurdo ku filan .
habdhaqan xumo: inta badan caruurta aan helin hurdo ku filan waxay la soo baxaan hab dhaqan xumo uu sababay soo jeedku.
Waxbarasho xumo:cilmi baadhis badan oo la sameeyey ayaa muujisey ardayda soo jeedka badsata ay ka waxbarasho iy fahan hooseeyaan ardayda waqti hore seexata.

Waxa qorey :maxamed maxamud sardheeye

xuquuqda : shabakada aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .