Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Ka fagow cuntooyinkan waqtiyada Hurdada Ka hor

Ka fagow cuntooyinkan waqtiyada Hurdada Ka hor
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Cilmi baadhis kala duwan oo la sameeyey ayaa daaha ka rogtay in cuntooyinka qaar oo la cuno waqtiyada hurdada in yar uun ka hor ay saameyn Taban ( aan fiicnayn) ku leeyihiin jidhka , sidaasi daraadeed ay haboontahay in la iska ilaaliyo waqtiyadan cuntooyinka qaar , inta badan dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan inuu qofku cuno khudradaha kala duwan waqtiyada hurdada ka hor .

shabakadda aqoonkaab ayaa isha soo marisey qaar ka mida cuntooyinkaas halkana idinku soo gudbinaysa.

1, Cuntooyinka Duxda leh : ugu horeyn ka fagow cuntooyinka duxda badan ka kooban sababtoo ah cuntooyinkani waxay daaliyaan murqaha caloosha xilliga dheebshiidka waxaanay keenaan in qofku dareemo Daal badan iyo caajis badan marka uu tooso ,sidaaso kale cuntadan waxay keenaan inuu qofka xamaamka ku noqnoqdo isla markaana ay ka tagto raaxadii hurdada.

2. Cuntooyinka ay ku jiraan sonkorta  badan : cuntooyinka ka kooban sonkorta badan sidoo kale  waxay saamayn taban ku leeyihiin caafimaadka hurdada ,waxaanay sababta in hurdadu ka haajirto qofka maadaama heerka macaanka  jidhku uu sare u kacayo , cuntooyinka ay sonkorta aad ka u badani ku jiraan isla markaana ay tahay inaad ka fogaato xilliyada hurdada ka hor waxa kamida Xalwadaha kala duwan , keega iyo kuwa la midka ah .

3. Hilibka Cas  : hilibka cas waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay  caloosha kala kulanto dhibaato wayn marka la dheebshiidayo laakin tani kaama mamnoocayso inaad ku cashayso hilibka cas dhakhaatir badani waxay ku taliyaan in xadi kooban oo hilibka cas ah oo lagu casheeyo oo faaido u leeyahay jidhka gaar ahaan miisaan lumista ,keliya xadi badan oo hilib cas ayaan u fiicnayn caloosha.

4. cabitaanka kafeega (Coffee) :  cabitaanka kafeegu waxa uu keeni karaa xanuunada hurdada isla markaana qofka lasoo tooso waxa jira ilo aan toos ahayn oo laga helo kafeeyga waxaana ka mida sharaabka kokoolaha (coco cola)  inta badan waxa lagu taliyaa in illaa 4 – 6 saac ka hor hurdada uu qofku cabi karo kafeyga

5.Cuntooyinka dhalin kara kaadi badan :  kaadi badan habeenki waxaa dhalin kara cuntooyinka amaba sharaabka ,kuwaas oo sababi karaa inay hurdaadu noqon waydo mid xasilin oo degen , biyo ku filan oo aad cuntada oo cabto waa arrin caafimaad badan uleh jidhkaaga laakin cabitaanka biyo badan wax yar uun hurdada ka hor waxay keenayan inaad hurdada dhowr jeer habeenka ka kacdo oo aad aado musqusha

 

W/Q :MAXAMED MAXAMUD MAXAMED

XUQUUQDA :AQOONKAAB.COM

info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.