Search
Monday 12 November 2018
  • :
  • :

Ma adigaan garanayn xaqaaga mise wa lagu duudsiyey!!!

Ma adigaan garanayn xaqaaga mise wa lagu duudsiyey!!!
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Hab-dhaqameedyo iyo xadaarado badan ayaa so maray dunidan mid walba waxay ka tagtay taarikh ,waxyaaba laga xusu laguna xasuusto ayaaa jira ilaayo waqti xaadirkan aynu joogno oo bugaagta ugu xardhan.
umado kala gadisan ayay ahayeen mid walbana xumaheeda iyo samaheeda garabkay ku sidatay.
waxay ka lahayeen aragtiyo kala duwan jiritaanka dumarka mey jirin xadarad soo martay dunida ilaayo waxay ula dhaqmi jirtay dumarka wax liita oo duli ah waa la hantiye jirey ee waxba mey hanan jirin, wa la dhaxli jirey ee waxba mey dhaxli jirin , waa lasoo gadan jiree lama guursan jirin , duli iyo ducuf ayey agtooda ka ahayeen wax daraja ahna may lahayn marka laga reebo xadaaradii islaamka oo burburisay dhaman cadooyinkii xumaa ee xadaradahaas waxay mulkisay haweenka milgo iyo maamus, waxay ka saartay meesha dulmigii ka dhanka aha dumarka waxaynu ugu badashay cisi iyo sharaf ka hor intaan reer galbeedku kenin aragtidan feminismka ah ee sal iyo baarka lahayn
wuxu islaamku usoo celiyey xaquuqdeedi dhaqaale, xoriyadadeed, bulshayd iyo dadnimo ee ay lahayd
Manhajkii rasuulku scw wuxu cadeyey maqamka iyo mansabkay leedahay taso ah wax marag ma doonta oo ku xusan kitaabkena quraanka iyo axadista rasuulka scw lagana dhehan karo iyadoo hab nololeed ah siiradii suubanaheena lakin waxa ayaan daraa markanad aqoon u lahayn xaqii allehi ku uumey ku siyey waa nooc ka mid ah gumeysi maskaxiydeed marka layskaga dhigo waxad xaq uledahay in lagu siyeye waa wajib saaran haweenay kasta inay garato xaqa iyo xuquuqda ledahay ruux kalena aanay udaba fadhisanayn ka gabasho aan lahayn.
bal dib aynu ugu noqono taarikhdii haweenayda muslimada iyo Hab nololeedkii xiligii rasuulka.

Xuquuqda Dhaqaale

islaamka ka hor dumarku mey ahayn qaar wax dhaxla taas badalkeeda iyagaba la dhaxlan jirey oo lola macamili jirey sida badeecadda ama xoolaha ,bulshada somaliyedna taarikhda dib marka logu noqdo waxba mey dhamin iyaga waxay ahayeen kuwa aan ka qayb galin hablaha dhaxalka qarniyo ka hor reerka an wilal lahayn dhaxalka waxa qaybsan jirey tolkood.
ALLE wuxu ku cadayey xuquqda ayadahan

ﻟﻠﺮﺟﺎﻝ ﻧﺼﻴﺐ ﻣﻤﺎ ﺗﺮﻙ ﺍﻟﻮﺍﻟﺪﺍﻥ ﻭﺍﻷﻗﺮﺑﻮﻥ ﻭﻟﻠﻨﺴﺎﺀ
ﻧﺼﻴﺐ ﻣﻤﺎ ﺗﺮﻙ ﺍﻟﻮﺍﻟﺪﺍﻥ ﻭﺍﻷﻗﺮﺑﻮﻥ

” ragu waxay saami ku leeyihin waxay waalidkood iyo xigtadodu ka tagto dumarkuna waxay saami ku leyihin waxay walidkoda iyo xigtadood ka tagto”
Haba ahaato xadiga samigu mid kala duwan taaso oo ay ku dhehan tahay xikmaad raabaniya caqliga garaadka iyo garashada lahina anu ku tilmaami karayn kala fadilnaan

Islaamku wuxu xaq u siyey dumarka inay wax hantiyi karan maal iyo rasamaaal dunina yeelan karaan kuna tassarufi karan ,sadaqaysan karaaan waxana tusaale inooga ah khadija alle rali haa ahade waxana daliil quraaniya u ah
للرجال نصيب مما اكتسبو وللنساء نصيب مما اكتسبن

WAJIBAADKA ALLE

diinteenu waxay ka sintay ragga igo dumarka wajibadka alle saray midkoodna ka kale kagama fadli badna ilaayo wuxu shaqaysto mooye waxana daliil u ah
ﻓَﺎﺳْﺘَﺠَﺎﺏَ ﻟَﻬُﻢْ ﺭَﺑُّﻬُﻢْ ﺃَﻧِّﻲ ﻻَ ﺃُﺿِﻴﻊُ ﻋَﻤَﻞَ
ﻋَﺎﻣِﻞٍ ﻣِّﻨﻜُﻢ ﻣِّﻦ ﺫَﻛَﺮٍ ﺃَﻭْ ﺃُﻧﺜَﻰ ٍ
isla markaan si siman loogu abaal merinayo waxay shaqaysteen ama danbiyee falan
ﺍﻟﺰَّﺍﻧِﻴَﺔُ ﻭَﺍﻟﺰَّﺍﻧِﻲ ﻓَﺎﺟْﻠِﺪُﻭﺍ ﻛُﻞَّ ﻭَﺍﺣِﺪٍ ﻣِﻨْﻬُﻤَﺎ ﻣِﺎﺋَﺔَ
ﺟَﻠْﺪَﺓٍ

Xaqa waxbarasho

muslim iyo muslimad kasta waxa wajib ka saran yahay barasha iyo kasbashada cilmiga siduu rasuukeenu tilmaamay

WAJIBAADKA BULSHAYD
gabadha muslimada waxa wajib ka saran yahay bulshaday ku nooshahay
gabagabdii waxan qoralkayga kusoo afmeeraya gabadh muslimada ahi waxay mid doorkeeda ka qadata bulshaday ku nooshahay si karaamo leh waxan la hilmaami karayn taladi umu salama ay sisey nabiga hishiisku hudeeybiya xiligu goaanku adkaa taladana lagu kala beedhay noqdeyna kii ugu midha dhalsana waxan la ilaaawi karayn khadija bintu khuweyla sidey garabka u sisey rasuulka markuu ubahnaa tolkiina caydhiyeen ,waxay ahayeen kuwa magan galyo bixiya waa tuu rasuulku lahaa scw magan galyaan sinay ciday umu hani sisey kuwa dagaalka kalintoda ka qadata sida looga wariyey rabiica bintu mucawad “rasuulkaan la degaal gali jirey una adeegi jirney , dhawacan dhayi jirnay anan waraabin jirnay” sidey rasuulka ugu soo ashkatoon jirey ulana doodi jireen markhati inoogay tagay khawla bintu taclab ay kusoo dagtay suratul mujaadil waxay la gali jireen heshiisyo mubayacooyin taaso tirtirtay cabudhinti lagu hayey haweenka iyo mabadi kasoo horjeday ,lidkana ku ahaa dumarka waxay xididaha usaartay mabadidee qalafsana ay lahayeen xadaradihi hore heer ay gadhsiyeen gabadhu ruux ma leedahay mise malaha iyo falalkii xumaaa ee kula kici jireen , hindidu waxay ahayeen kuwa la guba gabadha uu ninkeedu dhinto carabtu xiligii jahiliyada waxay ahayen kuwa aasa habloda iyago nool ,faracinadu iyo masaaridu waxay ahayeen kuwa nile ku sadqeeya waxana kala sinaa dhaman xadaradihid adunka soo maray fawaaxishka ha ahato giriga , jayniiska iyo jabaaniisba taaas badalkeedu wuxu islaamku ku sharfay markay hooyo tahay ina janadu cagaheeda ahato markay xaas tahay in diinta ninkeeda dhamaystirto markad dhashid inay janadu ku horsedeyso hijaabna kaga ahaato naarta .
wa taas haweenayda muslimada cisigaas ayay lahanaysa weligeedna karamada iyo sharafta hu’ bey u ahanaysaa

najah khadar yonis




Leave a Reply

Your email address will not be published.