Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Ma sixirbaa mise waa sooryo laynagu maamuuso

Ma sixirbaa mise waa sooryo laynagu maamuuso
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

waxaynu waxbadan ka dharagsanahay saamayntu inagu hayo dhicnac kasta dhaqaalaha caafimaadka nolosha diinta iyo dadnimada .waxbadan waa laga hadlay khasaarihiisa balse manta bahda aqoonkaab waxay isku dayey saa inay  dhanka dhaqaalaha wax inaga tusto lacagta adage ku baxda qaatka iyo waxtarkay inoo yeelan lahayd hadaynu si fiican u xisaabtamayno.
ma‬ ogtahay dadkaygoow lacagta lagu dhiso laamiyada iyo biriijyada magaalooyinka waawayn ee ‪dalalka ‎Ethiopia iyo Kenya  in laga ururiyo tuulooyinka iyo dagmooyinka saboolka ah ee somalida .waa nooc gumaysiga ka mid ah.

waxaa nasiib daro ah in lacagta horumarka gaadhsiisay wadama badanoo jaarkeena ah inay tahay mid aynu ka qatanahay inagoo ubaahnayn .warbaahinta waxaad ka maqlaysaa abaar gaajo caafimaad daro iyo wax liita oo la halmaala wali maka fakarnay maxaa sabab ee keenay dhibtan .inaga ayaa qamcaheena ku keensany ,ma iswaydiinay wali dhaqaalaheeni xagu ku dhamaaday intee in leeg bay ina anfici lahayd lacagta malinkasta loo raro wadamada qaatka beerta sida Ethiopia iyo kenya .?Lacagta aad ku bixisay sunta qaadku waxay qamacaha ugashaa kuwa tartan dhaqaale iyo dublimaasiyadeed kugula jira waxay ku samaysateen hub ay ugu tala galeen inay adi kugu gumadaan .heerka dhaqaale  manta aad joogto waxaa ku geeyey Qaadka. nolosha manta aad ku nooshayna waxaa sabab u ah suntaa lacagaheena ku dhamaatay . markaaynu garno sidaynu isaga joogino waa markay guushu inoo bilaabmi doonto

Bahda Aqoonkaab

Bilaal axmed cige




Leave a Reply

Your email address will not be published.