Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

marie Curie Hal-adayg aan hungoobin

marie Curie Hal-adayg aan hungoobin
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Marie Curie, waxay ka mid ahaayeen iyada iyo odaygeedii Pierre,
saynisyahannada dunida caanka ka noqday, ma hadhaduna reebtay Iyada oo
daahfurtay curiye iyo element aan u awood badan oo lagu daweeyo kansarka
(Cancer) ,sidoo kale, waxay baratay curiyeyaasha iyo radioactive-kooda.
Pierre iyo Marie saaxiibtinimadoodu waxay sabab u noqotay inay isku
xidhmaan (aad isaga ag dhawaadaan) arrimaha atomkana iska caawiyaan,
sirtoodana isku qarsadaan.

Haddaba, hordhacaa ka dib, aynu wax ka tilmaanno waayihii ay soo martay
saynisyahannaddani. Marie Curie, waxay ku dhalatay gobolka Warsaw ee dalka
Poland hilladii 1867kii. Aabbaheed jaamacaddaha ayuu ka ahaa bare-sare oo
cilmiga Fiisigiska (physics) dhiga. Yaraanteedii waxay la soo kacaantay
maskax furan iyo shakhsiyad feejigan. Iyada oo ku dhiirranayd inay sii
wadan doonto xiisaheeda aqooneed ka dib dugsiga sare. Laakiin, niyad jab
weyn ayaa ku habsaday markii iyada oo dhigata jaamacadda Warsaw laga
mamnuucay haweenka inay jaamacaddaha dhigtaan. Niyadjabkaas ay kala
kulantay sii wadashada aqoonteedii sare Marie way iska dhega tirtay.
Dalkeedii Poland way ka suudaashay iyada oo u tacabirtay Faransiiska
sanadkii 1891. Ka dib, waxay gashay jaamacadda Sorbonne ee Faransiiska.
Iyadoo ku diyaarisay shahaadadeedii labaad (Master degree) iyo dhakhtarnimo
Fiisigis ah (Doctorate in physics).

Marie waxay nasiib u yeelatay inay jaamacadda wada dhigtaan qaar ka mid ah
saynisyahannadii ugu cadcaddaa eegaas. Kuwaas oo uu ka mid ahaa saygeedii
Pierre. Marie iyo Pierre 1895kii ayaa calafku isu dooray oo ay is
guursadeen. Laabka Fiisigiska ayey sanado badan si wada jir ah uga
shaqeeyeen. Muddo yar ka dibna waxay daaha ka rogeen curiye. intaa ka dib,
sanadkii 1906dii ayaa Pierre ku dhintay gaadhi faras jiidhay.

Naxdin argagax ah ayey ku noqotay Marie iyo nasiib darro  wadne xanuun ku
reebtay. si aan xiise lahayn ayey Marie u sii wadday shaqadii iyada oo
xasuusanaysay saaxiibtinimadii dheerayd iyo farxaddii ay soo wada qaateen
Peirre intii ay wadeen baadhitaannada sayniska. Iyada oo xaqiiqada
hortaalay ahayd koritaanka labadeedii hablood ee ku agoonoobay.

Dareenkeedii wehel la’aantu ugu dambayntii wuu baaba’ay markii ay ku
guulasatay inay bare sare ka noqoto jaamacaddii Sorbonne, booskii
odaygeedana buuxisay. Iyada oo taariikhda ku gashay inay ahayd gabadhii ugu
horaysay ee ka noqota bare sare jaamacaddaha adduunka ugu caansan mid ka
mid ah.

sanadkii 1911kii ayay Marie daahfurtay curiye ay keligeed aqoonteeda ku
heshay. Iyada oo curiyahaas ku qaadatay abaalmarinta (Nobel Prize in
chemistry).

Marie, dabayaaqadii nolesheeda waxay dilay xanuun ay ka qaaday shucaacii
curiyeyaasha ay muddada dheer ku dhex jirtay. Waxa ay ahayd qof dhib u soo
martay cilmiga sayniska isla markaana nafteeda u hibaysay sayniska. Iyada
oo u socdaashay meelaha ugu khatarta badan adduunka cilmiga Fiisigiska
dartii.

Haltebintii Maxamed Saleebaan Axmed (Tixmagabe)

Tixmagabe20@gmail.com

Facebool: Tixmagabe Saleebaan

Hargaysa

++++ maqaalkan waxa idiin soo gudbiyey mid ka mida akhristayaasha aqoonkaab 

fadlan nagala soo xidhiidh emailkan info@aqoonkaaab.com++++++++++++++++



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.