Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Mataankaygii sheeko gaaban

Mataankaygii sheeko gaaban
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Wali maan saamixin walaalkayga mataanka ah oo igaga tagy coloosha hooyaday dhowr daqiiqadood, aduunyadana iiga soo horreeyay, Anigoo madowga kali ku ah aadna u baqaya, heehaabsan sida dayax sahamiyaasha. Markaasna si wacan u dhuganya dhunkashadoo sida roobka ugu da’aysa walaalkay dhank kale.
Waxay ahayd 6daa daqiiqadood tii ugu dheerayd noloshayda, waa tii kama danbaystii xeerisay in uu walaalkay noqdo curadka reerka, inanka luugu jecelyahay, dhabta hooyo iska yeelan doona.
Wakhtigaa laga bilaabo meelkasta oo laga baxayo aniga ayaa ka horrayna jiray walalkay (Paplo), haday qolka tahay,guriga, dugsiga wax barashada,kaniisadda, iwm.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aan yar mashquulay misuu (Paplo) iiga hor baxay dhanka laamiga, isaga oona isoo eegaya, sidaan ku aqaanney ee quruxda badnayd iigu dhoola cadaynaya, ayuu gaadhi  jiidhay.
Waxan xasuustaa inay hooyaday markay maqashay sanqadha xoogga badan in ay soo boodday, orod na kaga soo baxday guriga, ina hor guclaysay, iyada oo magacayga ku celelinaysa gacmaheedana maydka u fidinaysa. Iskumaan dayin in aan u saxo magaca abidkay, xusuusiyana inuu (paplo) yahay ka la jiidhay, ee aanu aniga ahayn.

Qore: Ravael Nopwa (Qoraa reer spain ah).
Turjumdda: Xudayfa Faysal (Ymaam)  !

Hudayf77@gmail.comIMG_7402 (1)