Search
Tuesday 11 December 2018
  • :
  • :

maxaa sababa in kumbuuterku si dhakhso u kululaado ? sidee loo xaliyaa ?

maxaa sababa in kumbuuterku si dhakhso u kululaado ? sidee loo xaliyaa ?
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Qoraalkan waxaanu ku eegi doonaa waxyaabaha sababa in kumbuuterkaagu kululaado iyo hababka looga hortago
cilladani waxay noqotay mid soo noqnoqota oo dad badan dhibaato ku haysa gaar ahaan dadka isticmaala laptopyada .

Hordhac ku saabsan qaab dhismeedka maskaxda kumbuuterka
maskaxda kumbuyuuterka ee loo yaqaano CPU waa halka qabata dhamaan shaqooyinka ka dhex socda kumbuuterka sidaasi daraadeed haddaan si joogta loo qaboojin hubaal wuu kululaanaya .
maskaxda kumbuyuuterka waxa ku dul dhisan bir ka samaysan macdanaha kober iyo almuuniyum kuwaas oo kuleylka ka nuuga maskaxda (CPU), birta lafterkeeda waxa ku dul dhisan Marawaxad taas oo qaboojinaysa birta si ay kuleylka uga nuugto maskaxda kumbuyuuterka eeg sawirka hoose .

Qaab dhismeedka maskaxda kumbuyuuterka

.

Maxaa sababa in kumbuyuuterku kulalaadu
Inta badan waxa kuleylka waxa sababa marka kumbyuuterka ay galaan dhas badan (hawo badan), dhas ka badan ee galay kumbuyuuterka waxa uu xanibayaa marawaxadda qaboojinaysay birta kuleylka nuugta, taas na waxay sababaysaa in birtaasi kuleylka kasoo nuugi kari waydo maskada kumbuyuuterka ee shaqada dhan qabanaysey , maskaxdu waxay bilaabi doonta in ay shaqada dhinto ,qaybo ka mida barnaamijiyada kumbuuterka joojiso si ay u yareyso shaqada kuleylkuna uga yaraado .

sidee loo xaliyaa
cilladani sidaa aad aragtaanba haddii ay sii fogaato waxay aakhirka sababaysaa in kumbuyuuterku shaqada joojiyo hadaba haddi aad dareento in kumbuuterku markiiba kululaanayo , si dhakhso ah u nadiifi marawaxada maskaxada kumbuyuuterka ku dul dhegsan , kana nadiifi dhaska soo gaadha , Muhiim waa inaad khibrad u leedahay hababka loo furfuro kumbuuyterka ama laptopka.
ka hor intaanad bilaabin inaad dhaska ka nadiifiso kumbuuterka tallaabooyinka raac
1.xogta muhiim ka koobi ka samayso
2.bayteriga ka saar.
3.dabka ka saar .
4.isticmaal shay si fiican u nadiifin kara marawaxadda

xuquuqda :Aqoonkaab.com
waxa diyaariyey :maxamed maxamud sadheeye



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .