Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Maxaa sababa timo daadashada ?

Maxaa sababa timo daadashada ?
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Timuhu waxay ka samay san yihiin nooc borotiin ah oo loo yaqaan keratin kaasoo laga soo daayo daldalooda yar yar ee timuhu kasoo baxaan. Marka daldalooladan yar yar ay soo saaraan unugyo cusub oo timo ah, kuwii hore banaanka ayaa loo saarayaa si kuwa cusub boos loogu helo.

Madaxa qofka wayn  wuxuu leeyahay ugu yaraan 100,000-150,000 waxaana maalin kasta dhunta ilaa 100 kamid ah timahaas. Koritaanka timaha ee qofku wuxuu lee yahay isbadal joogto ah oo kuxidhan da’da qofka, xanuun, iyo qodobo kale.

Maxaa sababa tima daadashada:

Khuburada caafimaadku ilaa hada ma cadayn sabbata dhabta ah ee ka danbaysa tima daadashada balse waxaa jira qodobo badan oo loo sababayn karo timaha oo daata.

Cadadka dhecaanka Hormoonka androgens oo kordha wuxuu sababaa bidaarta ragga.

 

Dhaxaal ahaan waa la iskugu gudbin karaa tima daadashada.

 

Dawooyinka qaarkood way sababaan tima daadashada sida kuwa loo isticmaalo dawaynta cudurka kansarka  sidoo kale dawooyinka lagu yareeyo cadaaadiska dhiiga way sababi karaan sida dawooyinka lagu yareeyo dhlmada ayaguna way sababi karaan.

 

Gubashada, dhaawaca iyo raajadabu waxay sababi karaan in si kumeel gaar ah timuhu u daataan.

 

Habka difaacs jirku wuxuu ka qayb qaadan karaa tima daadashada waliba wuxuu sababaa nooca loo yaqaan alopecia areata.

 

Isqurxinta badan way kaqayb qaadataa daadashada timaha. Shaamabada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, iyo noocyada kale ee timaha lagu qurxiyo waxay qayb wayn ka qaataan tima daadashada hadii si xawli ah loo isticmaalo.

 

Waxaa jira xaalado caafimaad oo keeni kara tima daadashada sida, nafaqa darada, thyroid disease, cuntada oo si khaldan loo cuno, somkorowga, dhiig la,aanta. Dhamaan xaaladahaas iyo kuwo kaloo badan waa kuwo keeni kara tima daadashada balse maahan khasab inay keenaan.

Xuquuqda :baro caafimaad