Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

maxaaad u furi weyday fariinta

maxaaad u furi weyday fariinta
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

waxay ahayeen shan qof oo is jecel ,tusaalena uu ah qoys kalgacayl dhex yaalo waxay ka kobnaayen aabiyo, hooyo iyo sedexdodi ciyaala.

waxa lasoo daristay xalad dhaqaale taas awadeed abahood wuxu u safray wadan kale
mudo kadib waxa kasoo gaadhay fariin abahood ,kalgacayl jacayal iyo hilow ay uqabaan awadii mey furin fariintii waxayna ku eekadeen iney dusha ka fiirshadaan ,dhunkadan isla markaana ay dhigaan buqcad wanaagsan sidaas ayayna ku samayn jireen fariin kasta oo uga timaada abahood.
sanado kadib waxa soo labtay abahood nasiib xumo wuxu la kulmey xafadii oo hal wiil qudha jooga
Aabihi : away hooyada?
Wiilkii: hooyo wey xanuusatay lacag aanu ku dawaynana maanu helin mudo yar kadibna waxa haleeshay geeridii.
Aabihi : miyaydaan furin fariinti kobad ee aan idin so direy lacag ayaa ku jirtee! !!
Wiilkii: mey
Aabihi: aaway walaalkaa?
Wiilkii: asxaabta xunxun ayuy ku biray muu helina taladii aabe iyo tusaleyntii hooyo
Aabihi: miyaanu akhriyin farintan usoo direy ee aan ku waaninaayo inuu asxaabta xunxun ka hadho anigana iyimado?
Wiilkii: mey
Aabihi: aaway walaashaa?
Wiilkii: waxa guursaday hebel, nolol adag oo dhiban ayay hada kula noshahay
Aabihi: miyanay akhrisan fariintaan usoo direy ku idhina ha guursan ninkaas , ee aan suncad iyo akhlaq xumadisa uga waramay?
Wiilkii: mey aabo fariimahagi oo dhan waanu dhawranay bas aragtidoda ayaanu ku doogsan jirney dhamantood maanu furin
Bal dhugo qoyskan burburkisa waxa ka danbeyey fariimihi abahood oo anay akhrisan bal qiyaas inana fariintii a ALLE waa quraanka kariimkaaye seynan u akhriyin uguna camal falin kuna kaaftoonay dhunkashadisa iyo meelentisa buqcad wanagsan.




Leave a Reply

Your email address will not be published.