Follow
X
Follow
Kalmadaan macanaheedu waa mid wax dhex gala ama caqliga dardara . waxa ay soo shaac baxday si wayna loo maqlay lixdameeyadii ee qarnigii labaatanaad waxaana loogu yeeri jiray xubno koox ah ee ka shaqayn jiray machadka “MIT” machadka (Masschusetts institute of technology) waxaa loo taba baray in ay fahmaan waxa ka dambeeya aas aaska iyo in ay fahmaan waxyaabaha aan loo jeedin, magacaan waxaa loogu yeeri jiray qofka cadeeya dhibaato ama ka diga dhibaato suura gal ah in ay dhacdo inta aaneey dhicin si ayna khasaaro u gaysan markii dambe waxaa la wareegay magacaan dambiilayasha ee xada macluumaadka iyagoo isticmaalaya siyaaba ay iyaga yaqaanaan si ay ugu weerar tagaan ama ay ku helaan faa’iido waxna ma soo kordhiyaan ee waxay yaqaanaan uun habkii wax loo xadi lahaa si ay iskaga difaacaan hackerada runta ah waxay alifeen eray ah “Crecker” .
Maxay tahay waxa la yiraah Hacking iyo jaajuus computer?
Luqadda English ka waxaa lagu dhahaa Hacker Somaliga macana ahaan waa howshii jaajuusnimada iyo xatooyada .. sababtoo ah qofkani waxa uu galaa nidaamka uu ushaqeeyo compuerka dhaxdiisa ula ma jeedo asiga ayaa galayo ee waxa uu gashataa file si aan waafaqsanaayn sharciga asigoo daneeynaya ula jeedooyin kala duwan sida in uu juujuusnimo sameeyo , tuuganimo, iyo kharibaad uu u gayasto computrer kaada sida asigoo fila ka qaata ama tirtira ama ku dara filala ama programyo si ay ugu suura gasho in uu iska maamusho computerkaada , marakaas ayuu waxa uu sameeynayaa in uu amar siiyo computer kaada sida amaraka dabaacadda ama sawirasho ama kaydsasho.
Maxuusa yahay hacker ku?
Tusaalo ahaan hackerku waa qof sameeya programyo matalan gooryaan camal ah ee ku jira caloosha qafka markaas ayauu kula cunaa cunada aad cuneeyso asiga oo aanan shaqayn buu kugu dul noolyahay ama tuugada isbaarada dhigata oo kale , waa kuwa dhex gale computerkaada waxay awood uleeyihiin in ay arakaan waxa alla awaxa aad samayneeyso iyo asigoo xadi kara filalashaada iyo in uu burburiyo computer kaada iyo in uu ku basaaso waxa aad shabakadda internetka ka samayneeyso.
Maxaysa tahay waxayaabaha aad ku caawiso ama aad ku kaabto in compter kaada la soo dhax galo amar la’aan?
1- Computer kaada haduu uu ku jiro filasha la yiraah (Patch) ama (Trojan)
Hackerka awood umalahan in uu computerkaada soo dhex galo lakiin hadii filasha lagu magacaabo (Patch) ama (Trojan) laga helo wuu soo gali karaa filashaasi waxay usuura galineeysaa hacker ka in uu soo galo computerkaada gaar ka ah (PC) asigoo isticmaalaya program kale ee ku xiranaya filasha ku jira computerkaada waxa uu samaynayaa in uu wax walbo kala baxo computer kaada waxa uu awood uleehayahay in uu usamaysto Magac iyo Password si uu kaligiis u maamulo oo aanuu hacker kale la isticmaalin , sidoo kale waxa uu awood u leeyahay in uu computer kaada ka dhigo mid cid kasta iska soo gali karta oo ay markaas iska soo gali karaan hacker kasta oo markaas taba bar lagu qaato computer kaada ama kuwa barbard ah cashar lagu siiyo!!!!
2- Program yada tuugada ay isticmaalaan , si ay u suura gasho hackerka caadiga ah in uu dhex jibaaxo computerkaada waxaa lagama maarmaan u ah in uu heli karo program yo u fududeeynaya in uu dhex jibaaxo computer kaada
Waxaa ugu caansan hackerka caadiga ah programyadaan
-
Cracker 4web
-
Net buster
-
Haxprog Netbus
-
Net Bus1.7
-
Girl friend
-
BusSccong
-
Client and server Bo
-
Hacker Utility