Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Microsoft oo soo saari doonto taleefan cusub !

Microsoft oo soo saari doonto taleefan cusub !
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Shirkada Microsoft dhowaan waxay soo bandhigi doonta taleefan cusub oo aad u tayo badan , taleefankan waxa la rajaynayaa inuu yarayn doono baahida loo Qabay laptoptyada .
Surface_phonewaa mobilka cusub ee Microsoft oo doonaysa inay ku soo laabato suuqyada mobilada oo ay hada aad ugu hooseyso hadaba taleefankan cusub muxu kaga duwan yahay kuwii hore .
1. Waxa uu leeyahay xadi kayd oo aad u balaadhan Kaas oo gaadhay illaa 8GB RAM 256 GB
2. Kamerad awood u leh inay qaado sawiro aad u tayo badan 20 mega pixel rear camera.
5. Halka cabirka shaashadiisu gaadhayo illaa 5.7 inch.
6. Waxa la socda pen touch.
7. Sidoo kale waxa la socda keyboard Kaas oo kuu sahlaya inaad si fudud wax ku qorto.
8. Waxa uu ku dhisan yahay nidaamka windows 10 mobile.
Waxa la filaya inuu moobilkana suuq wayn helo maadama bedel uu u noqon. Karo laptoptyada shaqooyinka kooban lagu qabto .
Microsoft hore suuqa waxay u keentay tablet ka surface pro kaas oo illaa hadda si guul ah ku socda dhowaana la soo bandhigi doono kiisii shanaad ee surface pro 5 .
Lifaaqan hoose ka akhriso faahfaahin ku saabsan. surface pro
http://www.aqoonkaab.com/microsoft-oo-soo-bandhigtey-table…/

Sidoo kale shirkada Microsoft sanad kii tegey waxay soo bandhigtay laptop keedi u horeeyey ee surface book kaas oo. Aad loo amaanay.
Lifaaqan hoose ka akhriso faahfaahin ku saabsan laptop ka surface book

http://www.aqoonkaab.com/shirkada-microsoft-oo-soo-bandhig…/

Microsoft waxay tartan xoogan la geli doonta shirkada ha haysta inta badan suuqyada mobilada ee Samsung iyo apple iPhones .
Laakin waxa jira carqalada uu yeelan doono surface phone.maadaama uu ku dhisan yahay windows 10 waxa jira applicationo badan oo ka maqan amaba aan weli loo samayn
Snapchat,Instagram hadda lagama heli karo iyo qaar kale oo badan lkn waxa suuro gala in dhowaan loo sameeyo barnaamij yo oo kuwaasina ka mid yihiin

Qoraal kan iyo lifaaqyada ku jiraba waxa iska leh Aqoonkaab.com waxaana qorey

maxamed maxamud sardheeye



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .