Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Muhimada caafimaad ee Rumaanka

Muhimada caafimaad ee Rumaanka
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Rumaanka oo ka mid ah khudaarta ugu macaan ee midhaha leh waxa laga helaa nafaqo iyo awood aad u wanaagsan, waxa  qormadaan  ku soo bandhigaynaa cilmi-baadhisyo iyo tijaabooyin laga sameeyey faaiidooyinka rumaanka, taasoo aynu qaar ka mid ah ka soo qaadan doono si akhristayaashu uga faaiidaystaan caafimaadka ku duugan rumaanka.

Rumaanku waxa uu qofka ka dhiga mid jidhkiisu aanu gaboobin: Rumaanka waxa uu ka kooban yahay xaddi badan oo walxaha Antioxidants ah, haddii uu qofku shiido oo uu sharaab ahaan u cabana waxa uu jidhkiisa ka dhiga mid aad u da’ yar, isagoo maqaarka aad u qurxiya, dhalaal badana u yeela.

Waxa uu difaac caafimaad u noqda kelyaha: Cilmi-baadhis cusub oo dhawaan la daabacay ayaa lagu shaaciyey in rumaanku uu kelyaha ka difaaco dhaawacyada iyo walxaha sunta ah ee ka dhalan kara inta kelidu ku jirto hawsha qashin saarka, gaar ahaan suntan ka samaysanta cuntooyinka la qashin saraayo amma dareeraha ay shaandhayso kalidu.

Waxaa uu ka hortagaa wadne xanuunka: waxaa uu u wanaagsanyahay jirooyinka ama xanuunada  wadnaha iyo xididada uu dhiigu soo mar.

Waxa uu ka shaqaysiiya, difaacna u yahay beerka: Cilmi-baadhisyo tiro badan ayaa lagu iftiimiyey in rumaanku uu difaaco beerka, kana masuul noqdo in beerku shaqooyinkiisa si fiican u qabsado, kadib marka dhaawac soo gaadho, isagoo siiya faytamiino iyo macdano beerku u baahan yahay.

waxa  uu caawiyaa dheefshiidka: Rummaanka waa il qani ku ah nafaqo muhiim u ah ka hortaga calool fadhiga sidoo waxa uu kaa caawinaya in jirku si wanaagsan uu nuugo nafaqada.

Waxa uu ka hortagaa kansarka: Waxaa la ogaaday inuu u fiicanyahay cudurka kanser-ka waxa uu dilayaa unugyada kanser-ka .

Waxa uu yareeyaa Werwerka: si lagu xusay daraasad ay sameeyay Queen Margaret University, cabista rumaanka waxay hoos u dhigtaa werwerka  ama stress-ka. Cilmi baadhayaashu waxay sheegeen in dadka caba rumaanka, hormone-kooda kadeedka uu aad u hooseeyo marka looo barbardhigo kuwa aan cabin.

Waxa uu kordhiya ama awood siiya hab-dhiska difaaca qofka: Rumanka oo sidiisa lagu cuno ama la cabo  waxa uu kordhiya  hab-dhiska difaaca qofka, isagoo shakhsiga badsada uu ka helo faytamiin badan, gaar aha Vitamin C, kaasoo inta badan lagu yaqaan inuu nafaqo badan leeyahay, gaar ahaan xilliyada qabowgu dadku aad ugu baahdaan faytaminkaas.

Waxa uu ka hor taga in qofku xasaasiyad yeesho: Rumaanku waxa ku badan walaxda la yidhaa Polyphenos, taasoo yaraysa hab-dhiska kiimkaad ee jidhka qofka ka dhex dhaca oo badana dhaliya in qofku xasaasiyad amma cun cun badan yeesho.

 E-mail : info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.