Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Muuqaalada moobilka cusub ee Samsung G A8 oo la soo bandhigey

Muuqaalada moobilka cusub ee Samsung G A8 oo la soo bandhigey
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Sawiraan badan oo la soo xaday ayaa jira oo lagu bandhigyay

mobaylka cusub ee Samsung Galaxy A8 kaasi aanay shirkaddu wali daaha ka qaadin, muddo ka hor waxa la soo bandhigay sawirada laakin manta waxa lasoo bandhigay video-ga u leeyahay mobaylkan.

Waxaana la xaqiijiyay in mobaylka Galaxy A8 loo soo bandhigay wasaaradda boostada iyo isgaadhisiinta dalka Konfur Korea taasina waxay caddaynaysa in si rasmiya shirkaddu ay daaha ka qaadi doonto mobaylkan muddada soo socota.

Sifooyinka u leeyahay mobaylku waxa ka mid ah shaashad cabirkeeda u yahay 5.7 inch oo ah Full HD oo u leeyahay “Accuracyā€¯ 1080 * 1920 pixels, waxaanu ku shaqaynaya processor 64 bit Qualcomm snapdragon.

Dhinaca kale wuxu la sheegay inu yeelan doona RAM cabirkiisa u yahay 2GB iyo Hard disk cabirkiisuna yahay 16 GB nidaamka u ku shaqaynayo waa android lollipop 5.1.1, haddi aanu ka hadalno kamarada sida la sheegay waxay noqonaysa kamaradda hore 5 mega pixels dhinaca kamaradda dambe ay noqonayso 16 mega pixels.

Ila iyo haatan waxa war ah lagama hayo goorta la soo bandhigi doono ama goobta lagu soo bandhigi doono mobyalkan Samsung Galaxy A8.

sumsung galaxy



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.