Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Nin walbo guuleysta ,Gushiisa waxa ka danbeesa Gabadh

Nin walbo guuleysta ,Gushiisa waxa ka danbeesa Gabadh
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Quruxdu gurigu wa gabadh haweenku waxay ka ciyaaaran kalin muhima jiritaanka , wa asaaska nolosha wa quruxda guri kasto aynu kasoo toosno maqaamka iyo booskey ku ledahay dunidan wa midaan layska indha tiri karayn waxa garan un nimey ku bananatay booskaasi ruuxi garasho iyo garaaad leh marna ma gees maro, xaqa iyo xurmadey ku leedahay .
waxay habeen iyo malin u heelan yihin sidaynu hormar ugaaadhi lahayn una hiigsan lahayn qayrkeena waxan la hilmaami karayn kalmahay kaga jirta dunidad wa tababarayaal nololeed

weyna dhasho waa hoyaden
waa tu lahaa abwaan abdirashid sheikh
micno malaha dunidani haddaan hooyo maamuline
ma tisqaado ninkaan hooyadii maandhow odhanayne
ma illaawin maalintii uu madfucu midigta kaa dhaafay
masiibadii jirtiyo adoon murugba eegaynin
cabdi meeyey waataad lahayd oo markhaati lehe.

marna weynu udhaxno wa xaasaskeena wa tuu abwaan hadraawi lahaa

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh.

marna weyna dhalnoo wa tuu cabdi qays laha isagoo inantisi tilmaamaya
Cadkii layga beeraay
Curuuqdiyo jidhka iyo
Curadaydii kali ahayde
Cosob iyo dhul baadlo
Geed caws ku caanoo
Illaahaya nin caasiya
Yaanu cududa kuu galin
Illaahay nin cadho badan
Yaanu cidhifka kuu sudhin
Nolashaadu caar caar
Yay cidhib xumaan noqon

Wa taynu la dhalanoo wa tu ahmed ali cigaal lahaa
Cadi iyo Jiidh wada dhashoo Wadaaga naftaynu nehe
Walaashay Gacalisooy anigu waagi Baryaba
Wanaagaagaan Jeclahay Wadeecaan kula necbahay
in Cadaw kugu wiirsadoo Marnaba aad wiiqantiyo
War xun iyo ceeb kulama rabo.




Leave a Reply

Your email address will not be published.