Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Qaybtii 2aad taarikh nolaleedki Hogaamiyahii shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin .

Qaybtii 2aad taarikh nolaleedki Hogaamiyahii shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin .
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Qaybtii 1aad waxaynu kaga hadalay dhalashadisii iyo heerkisii waxbarasho Haday ku dhaafatay qaybtii Hore waxaad ka helaysaa kaydka aqoonkaab.

Qaybtan 2aad iyo maanta waxaynu ku eegi donaa Siduu ku bilaabmay nacaybka u dhaxeeyey isaga iyo America .

1980-kii ayuu wiilkan yar ee hantiilaha wuxuu soo jiitay indhaha bulshada caalamka ka dib markii hantidii uu lahaa ee balaayiinka doolar gaaraysay uu ku bixiyey dagaalkii wadanka Afganistaan lagaga xoreynayey Midowgii Soofiyeeti, wixii xiligaasi ka dambeeyey wuxuu bartilmaameed u ahaa laamaha sirdoonka Mareykanka iyo warbaahinta.
Markii uu qarxay dagaalkii Afganistaan sanadkii 1979-kii wuxuu bustihiisa u qaatey buuralayda wadanka Afganistaan lacag malaayiin doolar gaaraysa horey ayuu u sii qaatey, wuxuu halkaasi ka hirgaliyey xerooyin tababar, buundooyin lagula dagaalamo ciidamadii midowga soofiyeeti, waxaana uu aasaasey xoogag u badnaa Carab oo Afgaanistaaniyiinta ku gacan siiyey inay la dagaalamaan Midowgii Soofiyeeti.

Warar sirdoon ayaa sheegaya in xiligaasi Mareykanku uu gacan siiyey kooxihii la dagaalamayey midowga Soofiyeeti, waxaana dhici kara ayaa la leeyahay xiriir dhexmarey Mareykanka iyo Bin Ladin oo ku aadanaa sidii loola dagaalami lahaa Midowgii Soofiyeete.

Hase yeeshee colaadii iyo dagaalkii ka dhanka ahaa Midowgii Soofiyeete wuxuu isku badalay dhinca kale, taasi waxay ka dambaysday markii Midowgii Soofiyeeti laga saarey wadanka Afgaanistan.

Sanadkii 1989-kii Bin Ladin wuxuu dib ugu soo laabtey wadankiisa Sacuudiga, laakin sanad ka dib Sadaam Xuseenkii Ciraaq Madaxweynaha ka ahaa ayaa xoog ku qabsadey wadanka yare e darsika la ah ee Kuwait waxaana taasi ay keentey in Mareykanku uu sameeyo xulufo isbahaysi ah oo la doonayey in Kuwait looga xoreeyo wadanka Ciraaq oo xoog ku qabsadey.

Xulafadii Mareykanku helay waxaa ka mid ahaa Sacuudiga, waxaana ay taasi keentey in ciidamada Mareykanka ay saldhigyo ciidan ka helaan dalka Sacuudiga, taasi ayaa keentey in Osaama Bin Ladin uu si aad ah arintaasi uga horyimaado talaabada boqortooyada.

Sacuudiga Bin Ladin wuxuu si weyn u dhaliiyey siyaasada Boqortooyada Sacuudiga, isagoo ku eedeeyey inay Mareykanka dajisey dhulkii Barakaysnaa, waxaana Mareykanka uu ku tilmaamey cadowga Islaamka, taasi waxay keentey in Bin Ladin laga saaro wadanka Sacuudiga oo uu tago wadanka Suudaan halkaasi oo uu ku noolaa mudo sanooyin ah.
Mudadaasi wixii ka dambeeyey wuxuu soo saarey fatwooyin dhawr ah isagoo sheegayey in Mareykanka lala dagaalamo, oo laga saaro dhulka barakayasan.

Weeraro ka dhacay wadanka Sacuudiga oo lagu qaadey danaha Mareykanka ee wadankaasi iyo waliba saldhigyada ciidamada Mareykanka ee wadanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu eedeeyey Bin Ladin uu ka dambeeyey, taasi oo sii xoojisey nacaybkii ay isku qabeen Mareykanka iyo BinLadin

Sanadkii 1993-dii ayuu ku dhawaaqey Ururka Al-Qaacida oo uu sheegay in looga gol leeyahay inay la dagaalamaan Mareykanka iyo wadamada reer Galbeedka oo uu ku sheegay inay Islaamka ka dhigeen wax ay duleystaan.

Bin Ladin wuxuu sii noqdey nin soo jiita indhaha sirdoonka Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka lagu shubay in Bin Ladin uu ku yahay Qatar ayna ka digtoonaadaan..Lasoco qaybaha danbe 

Lasoco qaybaha danbe

 

Source.World history

-Bahda qoonkaab

–Bilaal axmed cige-




Leave a Reply

Your email address will not be published.