Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Qiiqa Shidaalku waxa uu carruurta ku keena kansarka dhiiga ee Luekemia

Qiiqa Shidaalku waxa uu carruurta ku keena kansarka dhiiga ee Luekemia
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Daraasaddan tijaabadeeda waxaa lagu sameeyey 2’760 xaaladood oo ah carruur uu ku dhacay cudurka Leukemia ee dalka Faransiiska iyada oo xaaladdooda.

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa daahfurtay in wasakhowga hawada ee soo gaadha guryaha u dhow jidadka gaadiidka, gaar ahaan qiiqa baabuurta ku shaqeeya Baatroolku in ay kordhiso khatarta ah in carruurta ay ku dhacaan noocyo ka mid ah kansarka dhiigga ku dhaco ee afka cilmiga loogu yaqaanno Leukemia, iyada oo uu maxadka Qaranka ee Maraykanka u qaabilsan daweynta burooyinka (Kansarka keena) uu shaaca ka qaaday in cudurka Leukemia uu yahay Kansarka noociisa ka ugu badan ee ku dhaca carruurta da’doodu 15 sano ka yar tahay.

Denis Hemon oo ka tirsan maxadka qaranka ee caafimaadka iyo cilmibaadhista caafimaad ee dalka Faransiiska kana mid ahaa cilmibaadhayaasha ka

qayb qaatay daraasaddan ayaa caddeeyey in cilmibaadhistani iyo kuwo kale oo hore loo sameeyeyba ay daahfureen in ay jirto caddayn xooggan oo muujinaysa in xidhiidh uu ka dhexeeyo qiiqa ka dhasha gaadiidka gaar ahaan meelaha u dhow waddooyinka iyo in carruurta uu ku dhaco cudurka Lueukemia.

Daraasaddan tijaabadeeda waxaa lagu sameeyey 2’760 xaaladood oo ah carruur uu ku dhacay cudurka Leukemia ee dalka Faransiiska iyada oo xaaladdooda la barbar dhigay 30 kun oo iyaguna ah carruur aanu cudurkani ku dhicin, waxa aanay daraasaddu socotay intii u dhaxaysay sannadihii 2002dii illaa 2007dii iyada oo si gaar ahna xoogga loo saarayey guryaha ay carruurtani ku nooshahay, jidadka ku dhow iyo weliba xaddiga maaddooyinka qiiqa shidaalka ku jira ee jidhkiisa laga helo. Waxa ay khubaradu si gaar ah u shaybaadheen carruurta ku nool guryaha waddada baabuurta badani marto u jira llaa 500 oo mitir kuwaas oo ah kuwa dhibta ugu yari ka soo gaadhayso qiiqan, iyo kuwa u jira 150 mitir iyo ka yar oo iyagu ah kuwa dhibta ugu badani ka soo gaadhayso qiiqa baabuurta.

Dhinaca kalana wakaaladda Maraykanka ee daryeelka deegaanka ayaa sheegtay in qofka oo qiiqa shidaalku uu neefta u raacaa in ay keento in qofku uu yeesho madax xanuunka, dawakhaad, habac-sanaan (Caajis badnaan), cuncun indhaha hareerahooda iyo guud ahaanba maqaarka ah, iyo dhibaato dhinaca hab-dhiska neefsiga ah, haddii qofku uu muddo dheer qiiqani neefta u raacana waxaa ku dhaca khalkhal dhinaca dhiigga ah, sida in ay aad u yaraadaan tirada unugyada dhiigga cas iyo in dhiig la’aani ku dhacda.

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.